Meelaha Ay Fadhiistaan: Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Meelaha Ay Fadhiistaan: Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

atDunidan aynu joogno waxaa jira waxyaabo badan oo ayna indhaheenu qaban,hadaynu aragnana waxaynu ka soo qaadnaa wax aan qiimo lahayn,aynu kala saarno waxa qiimaha leh iyo waxa bilaa qiimaha ah,taas waxan uga socdaa yaynaan ku dul durdurinin wax hadhaw wax lagaa waydiinayo ama danbi lagugu qoraayo waayo maanta hadaan lagaa jarin meelin kale ayaa lagaa jarayaa,hadii aad ku gafto qof aan waxba kaa galabsan waxaad ogaataa in uu ILLAHAY SWT kugu cadhoonayo,diinteenuna dulmiga ma jecla waana wax aad u xun dulmigu dadkana inaad dulmisaa ma qurux badna,bal ka waran hadaan dadka oo aan waxba igu sameyn aan dusha uga baxo oo aan yidhaa waan dilayaa ama waxaas ayaan ku sameynayaa, ma tahay wax la iga qoraayo? Ka waran hadaan.

dad aan awood u lahayn inay illa hadlaan aan ku cawaandiyoodo runtii wax wanaagsan maaha waxaas oo kale qofka bil’aadan kaana waxaa u wanaagsan in uu ka fogaado falalka noocaas ah ee ku soo jiidaaya danbi iyo wax aanad u jeedin,taas waxaan kuga socdaa war maalin aan fogayn ay indhahayga ku arkeen suuqyada magaalada, waa inamo yar yar oo ah kuwa loogu yeedho Darda jiif maaha kalmad ku haboon in loogu yeedho carruurta balse dadkii ayaa looga taagwayay in ay ka daayaan dadka ay ugu yeedhayaan carrurtan ma jecla in loogu yeedho waryaa Darbajiif, waxaa goobta joogay laba wiil oo yar yar oo ah kuwa wax baalasheeya ama baabuurta maydha meel ayay iska fadhiyeen iyaga oo aan waxba galabsan wax dhibaato ah aan cid u gaysan ayaa waxaa ku soo baxday gabadh Hooyo ah, waxayna ku tidhi waryaa xabagleh meesha noo dhaaf, waxayna igu noqotay kalmad aan aad uga naxay sida ay ugu tidhi carruurta waxaan isku daday inaan gabadhii Hooyada ahayd aan waydiiyo waxa ay waydiineyso ubadkan meesha iska fadhiya ee aan waxba ku sameyn, waayo waa ubadkeeda oo kale waxaan ku idhi hooyo carrurta daa waxba kugu may sameyn ee waa kuwaa iska fadhiya kaabadee miyayna kuwaaga oo kale ahay miyaad jeceshay in ubadkaaga meelahaas oo kale in laga caydhiyo ama laga eryo meelaha ay fadhiistaan? gabadhii hooyada ahayd intay waji xun igu eegtay ayay igu jwaabtay adiga maxaa kaa galay miyaad taqaan darba jiifka ta kale aniga kuwan hadaan hooyo u noqon lahaa waaban isdili lahaa waayo maaha qaar wax loo noqdo bal eeg nooca ay u eeg yihin, halkaas markay sheekadii marayso gabadhii hooyada ahayd waxay damacday in ay la dagaalanto ubadkii meesha joogay oo ay ka erido halkan ay fadhiyaan, meesha ka kaca iyo hadal la iswaydaarsay waxaan aad ula dhcay kalmad uu ku yidhi wiil ka mida kuwii darba jiifka ahaa ee ay rabtay in ay meesha ka kiciso wuxuna ku yidhi, adiga maxaan kugu sameyney ee aad naga rabtaa ma dhibaato ayaanu kugu haynaa waxaan suganaa saxiibkey oo la kaxaystay, waxayna ku tidhi yaa kacaystay isna ugu jawaab niman aanan garaneyn iyana tidhi dee waa la dilee orad iskaga tag meelahaas ayaad maydkiisa ka heline, isna ku hadal celi oo yidhi, taas waxaan ka dooran lahaa isaga oo layla garaaco oo aan wada dhimano adna waxaad ka hadlaysaa in kaligii la dilo,hadalba gam tiriskii iyo jaafaa.jiriqi halkaas ku soo afjaran,hadaba hadaad aragto carruurta loogu yeedho darba jiif oo dhibaataysan ha ku dhaafin waa inaad wax u qabataa intaad awoodid.

Qalinkii: Nimco Baashe Cabdi