Ismaan Lahayn !!….Malahayga maalin khamiiseed ayay ahayd , intaan maydh maydhay

unnamed

Malahayga maalin khamiiseed ayay ahayd , intaan maydh maydhay ayaan si dagdaga uga baxay aqalka, qorshe maalmeedkayga hawl iigu jirtay ayaan u dan lahaa, goor sheegtu waa afartii  galabnimo iyo dheeraad suuqa ayaan sii maray,wadooyinka oo cidhiidhi ahaa aawadeed waxaan qaaday mid kamida buundooyinka magaalada dul mara oo markaa socodku ku yaraa, muraayadaha daaqadaha ayaan dajistay oo laydhaa qabaw  ayaan xiisaynayay , cabbaar ayaan ku raaxaysanayay hawadii udgoonayd ee bilaa qiiqa ahayd, ilaahay amarkii waaban sii jeclaystay kolkaasaan muraayadii saqafka gaadhiga ku taalay dib u riixay wacanaa oo cufnaan badanaa, wali anoon buundadii ka dhammaan ayaa roob aanan onkodkiisa iyo hilaacisa toona dhaadanayn dhibiciisii bilaabay, jawi  farxadeedkii aan ku jiray ayuu nalka u sii shiday  roob meel dhexaad ah ayuu ahaa, maan dareensanayn inuu dhagaxyaale yahay  ilaa uu dul tuulmay timahaygii coofka ahaa.

Hadda waxaan soo gaadhay halkii aan ku socday oo  gooraahabaa sheeda iiga soo hiraysay , waa Maktabadii Hargeysa oo aan nashqada ka dhicin buurta Naaso hablood oo la nuuradeeyay, kolley qofka diyaarada saarani wuxuu is odhanayaa kolkuu Maktabada iyo dadka ag jooga gurada ka arko ”Alla Naasa hablood maxay waynaatay oo ay quruxaystay, sawtaa balaadhatay maaha ! adhigaa madaxa mad madoobina faro waynaa makii Soomaalida oo kii Xabashida lagu daray baa !.

Maalintaa jadwalka waxa iigu qornayd Suugaan iyo Taariikh balse nin hurdo ka soo kacaybaan ahaaye calooshaa goorahaaba cod sii daciifaya igu lahayd ”wax igu rid…wax i sii’’  qaybta maqaaxida ee cuntooyinka fudud  ayaan u baydhay bal si aan u dajiyo kacdoonada gaajo ee calooshayda ka qarxay, tolow saancadaalayaashu maanta iyo badanaa ! waxay iila muuqdeen dad waqti hore yimid goobta oo in badan dhex- durduuranayay aqoonta iyo maskaxda soomaaliyeed ee meesha ku kaydsan, Oday kamid ah ayaa isagoo Shaah soomaali bidixda ku cabaya midigtana ku haystay buug ka waramiyay Taariikhda Soomaalida iyo ilbaxnimadooda.

Qaar kale oo carab iyo saancadaalayaal iskugu jira oo shaarbo waawaynaa isla mar ahaantaana qalabka wax lagu sawiro iyo shandado waawayn sita ayaa i soo ag maray, badankoodu wada da’ bay ahaayeen oo qoraayo caan ah ayaa ku jiray, tiraba todoba nin baan ka gartay  shan reer galbeed ahaa iyo laba carab ahaa. waji fiican kumaan daymoon oo naftaa i tidhi ‘’waa kuwii xumaa ee taariikhdiina aasi jiray, in badan bay inagu tunteen xiligii burburka iyo qabiilka, baga oo ay arkaan idinkoo dhisan oo sharaftiinii soo ceshaday”.

kolkaan dhargay ”Alxamdulillaah” intan idhi ayaan soo kacay oo qaybaha kala duwan ee maktabada yara dhex tamashleeyay, waynaa oo wanaagsanaa, qayb kastaa way buuxday, Qaybta lagu kaydiyo raadadkii hore iyo agabkii kale ee dhaqanka, qaybta cilmi baadhista, qaybta doodaha iyo kulamada, qaybta farshaxanka iyo farsamada iyo qaybta wax-akhriskuba, ardaydii dugsiyada sare kuwii jaamacadaha macalimiintii iyo masuuliyiintii ummada , xataa maalintaa madaxwaynaha ayaa akhris u joogay goobta, qof qof la hadlayaa muu jirin qofkastaa buuggiisa ayuu si hoose ula sheekaysanayay. dhir iyo ubaxyo kala jaad jaad ah ayaa laga beeray barxada hore iyo hareerahaba halkii aad eegtaba marna indhahaagu kama soo noqonayaan. ” HOOYO….. HOOYO ….’’ HAAH…….….hiih hee’’  Hooyo waa maxay xiligan aad hurudaa maanta sawta Salaadii Casar ku dhaaftay ! haye hooyo hadaan kacayaa. ma rumaysan karayo inay riyo ahayd.

 

  
 

 

Sheekadan gaaban waxaan u hibeeyay Maktabada Hargeysa laga hir galinayo, inta hawshaa u heelanna hore  u wada hayaanka ayaan leeyahay. insha’allah way rumoobaysaa riyadeenu.

 

W/Q: Maxamed-shaakir Siciid Cabdi (Shaakir)

Email: moeshakir@live.com

Soo buuqo isha : http://moeshakir.blogspot.com/

Â