MA DHABAA In SOMALIA:- Hub Soo Gaadhsiisay KHAATUMO Halka Uu Soo Maray Iyo Xildhibaan Ka Hadlay

MA DHABAA In SOMALIA:- Hub Soo Gaadhsiisay KHAATUMO Halka Uu Soo Maray Iyo Xildhibaan Ka Hadlay

Hub

Hargeysa(Salaanmedia.com)Maamul goboleedka PUNTLAND Ayaa lagu soo waramayaa in ay shixnaddo hub qarsoodi ah usoo gudbiyeen Kooxaha KHAATUMO.

Puntland ayaa la sheegay in Hubkan ay KHAATUMO soo gaadhsiisay ay soo marisay Dawladda Somalia ee Xasan Sheikh Maxamud
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo magaciisa Qariyay ayaa warbaahinta Ku Hadasha Afka Dalkaasi Somalia u sheegay jiritaanka hubkan Puntland lasoo mariyay ee gaadhay Khaatumo.

Waxa uu xildhibaankani sheegay inay Puntland ka go’an tahay Inay taageeraan Maamulka Khaatumo si ay isaga difaacan Somaliland oo uu sheegay inay kusoo gardarootay.

Dhowaan ayay ahayd markii Taliyaha ciidama qaranka Somaliland uu sheegay in maamuladda Kismaayo iyo puntland Hub ugu deeqayaan Kooxaha Khaatumo.

Geeska kale Dawladaha Itoobiya iyo Somaliland ayaa xiligan si toos ah diirada ugu haya dhaqdhaqaaqyada kooxahan oo looga shakisan yahay Xidhiidh dhex mara argagixisada.