Dawladda Itoobiya Oo Diiradda Ku Haysa Dhaqdhaqa KHAATUMO Iyo Dareenada Ku Xeeran

Dawladda Itoobiya Oo Diiradda Ku Haysa Dhaqdhaqa KHAATUMO Iyo Dareenada Ku Xeeran

KHAATMO ETOPIA

Hargeysa(Salaanmedia.com)Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa si weyn uga cabsi qaba inay Kooxda Nabadiidka ah ee Khaatumo gacan saar la yeelato kooxaha Xag-jirka ah ee Xarumaha ku leh Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya,waxaanay labadan dawladood iyagoo iska kaashanaya ay si weyn ula socdaan dhaq dhaqaaqa kooxdani ka wado goobo Somaliland iyo itoobiya ka mid ah oo ay kaga dhuumaysanayaan Ciidanka Qaranka Somaliland.
Kooxdan oo madaxweyne u dooratay Cali Khaliif Galaydh ayaa si weyn looga dayrinayaan inay afka uga gaGOlaan kooxo xag-jir ah oo ay gacan saar kala yeeshaan dhinaca dagaalka ay kula jiraan ciidanka Somaliland,waxaanay ciidamo ka tirsan Somaliland iyo itoobiya oo ay ku jiraan xog raadiyaal si toos ah ula socdaan dhaqaaqyada ka socda goobaha ay ku dhuumaysanayaan oo la sheegay inay goobahaasi qaarkood ku yaalaan gudaha Wadanka Itoobiya. Arintan ayaa soo ifbaxday tan iyo markii ciidanka qaranka Somaliland kooxdani ka eryay Tuulada Saaxdheer oo ay isku urursanayeen,islamarkaana firxad koodii u kala jihaystay Itoobiya iyo dhinaca buuralayda Puntland,halkaasi oo ay kooxo xagjir ahi fadhiisimo hore ugu lahaayeen.
Dawlada Itoobiya ayaa si toos ah ula socota xayn uu ka mid yahay cali khaliif Galaydh oo todobaadkii hore gudaha u gashay Itoobiya waxaanay la socotaa dhaq dhaqaaqiisa ciidameed iyo qaylo dhaanta halkaasi ugu iminaysa,waxaanay Dawlada Itoobiya si gaar ah uga cabsi qabtaa in kooxdani ay fursad ka helaan kooxaha xagjir ka ah oo la rumaysan yahay inay shaqsiyaad hore xagjir u ahaa ay ku jiraan,kuwaasi oo laga cabsi qabo inay ku soo xidhaan kooxdii ay hore uga tirsanaan jireen.