Dawladda Itoopiya Iyo Midowga Yurub Oo Isku Maandhaafsan Arimaha Xuquuqda Aadamaha

Dawladda Itoopiya Iyo Midowga Yurub Oo Isku Maandhaafsan Arimaha Xuquuqda Aadamaha

YURUB

Hargeysa(Salaanmedia.com) Wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia ayaa sheegtay in dhawaan Midowga Yurub iyo Ethiopia ka xaajoodeen xaalada dalka iyo amaanka gobolka geeska Africa.
Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada, Dina Mufti, ayaa xusay in labada dhan ay isku afgaran waayeen qodobkii ku saabsana xuquuqda addanaha dalka Ethiopia. Afhayeenka ayaa sheegay in wafdiga Midowga Yurub la kulmeen masuuliyiin sarsare oo uu ka mid yahay ra’isulwasaaraha dalku.
Mufti ayaa ka dhawaajiyey in Ethiopia u caddeysay wafdiga reer Yurub in suxufiyiinta aan marna loo xidhin waxyaabo la xidhiidha shaqadooda suxufinimo, laakiin wafdigii Midowaga Yurub ayaan ku qancin xaqiijinta Ethiopia.
Ethiopia ayaa xustay in lagu heshiiyey qodobadii kale ee la isla soo qaaday, gaar ahaan amaanka, maalgashiga iyo xidhiidhka dhanka dhaqaalaha ee labada dhinac wadaagaan.
Warbixinta ayaa lagu qeexay in ayna labada dhinac ku heshiin qodobada kala ah dimuqraadiyada iyo dhawrida xuquuqda aadanaha.
Wadamad reer Galbeedka ayaa xukuumada Ethiopia ku eedeeya in sharciga lidka aragagixisada loo adeegsado xakamaynata saxaafada iyo ururada mucaardka ah, laakiin Ethiopia ayaa in badan ku soo celcelisay in eedeymaha noocaas ahi aanay sal iyo raad lahayn.