Yaya Sanogo oo Ku Kalsoon in Marka Uu Goolkiisa Kowaad Ee Arsenal Uu Dhaliyo Ay Goolal Badani Imandoonaan

Waxaa Qoray:

Taariikh: 08-September-2014

Sanogo

Weerar yahanka kooxda Arsenal ee Yaya Sanogo ayaa ku kalsoon in marka uu kooxdiisa u dhaliyo goolkiisa kowaad ee tartan ah inay iman doonaan goolal badani.Sanogo ayaan wali Arsenal u dhalin gool rasmi ah oo ka mid ah tartamada inkasta oo goolal kooxdiisa u dhaliyay.

Sanogo ayaa khamiistii laba gool u dhaliyay kooxda 21 jirka ka hoosaysa ee wadanka France, kulankii ay isaga horyimaadeen kooxda Kazakhstan.Balse Sanogo oo kooxdiisa Arsenal u ciyaaray 10 kulan oo horyaalka ingiriiska ah ayaan wali hal mar shabaqa soo taaban.

Arsenal ayaa xili ciyaareedkii hore Sanogo kala soo wareegtay kooxda Auxerre. Kadib markii uu Giroud Arsenal ka dhawacmay ayay Man united kala soo wareegtay Danny Welbeck kaas oo Sanogo kula tartamidoona booska weerarka ee Gunners.

Sanogo ayaa yidhi: “Kubbada cagtu waxay u baahan tahay inaad waqti kula qabsato,marka aad ka timaado Lique 2 ee uu kaa horyimaado difaaca Man city ee Vincent Kompany oo  kale maaha shaqo sahlan”.

Olivier Giroud ayaa dhawaac ku maqnaandoona ilaa sanadka cusub, waxayna taasi fursad siinaysaa in Yaya Sanogo uu waqti badan oo uu ku ciyaaro heli karo, wuxuuna booska kula tartamidoonaa saxiixa cusub ee Danny Welbeck.

“Marka aad maalin kasta tababarka la qaadato ciyaartoy heer sare ah, horumar ayaad samaynaysaa, markasta oo aad koox wayn la ciyaarto khibarad ayaad helaysaa. Jamaahiirtu waxay iga sugayaan inaan goolal badan dhaliyo laakiin marka uu goolka kowaad yimaado ayay kuwa kalena imanayaan. Wax sahlan maaha inaad weerarka uga ciyaarto Arsenal , waa inaad maalin kasta dagaal gashaa si aad horumar u samayso laakiin Wenger ayaa dabada iga riixaya si aan u sii wado shaqadayda adag”.

sanogo2

Kulankii France U21 vs  Kazakhstan U21 ee uu Yaya Sanogo labada gool ka dhaliyay