WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA SOMALILAND OO DALKA CANADA LOOGU YEEDHAY DACWADA LABA WIIL OO U DHASHEY CANADA OO KU XIDHAN XABSIGA HARGEYSA

WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA SOMALILAND OO DALKA CANADA LOOGU YEEDHAY DACWADA LABA WIIL OO U DHASHEY CANADA OO KU XIDHAN XABSIGA HARGEYSA

biixi

Toronto(Salaanmedia.com)-Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis
ayaa, qoraal yeedhmo ah looga soo direy dalka Canada kadib markii
Warbaahinta dalkaasi ay siweyn uga hadashey mudooyinkii u dambeeyay
laba wiil oo walaalo ah oo Mudo sanad ah ugu xidhnaa Xabsiyada
Hargeysa,been abuur lagaga been abuurey kubsi wadareed ay ku noqdeen
sakaaradii budhka la kulantey.

Wasaarada Arimaha Dibadda dalka Canada iyo Xeer ilaalinta Guud ee
dalkaasi, ayaa qoraal ay ku dalbaneyso Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,si uu dalkaasi uga qanciyo xadhiga labadan wiil ee u dhashey dalkaasi Canada,oo magacyadoodu kala yihiin Liibaan Nuur iyo Jamaal Nuur oo dad,doodu tahey 14jir iyo 16jir,iyadoo lala taxaabay 21 wiil,waxaana qiyaastii la taxaabay iyagoo jooga Hargeysa 27 maalmood oo kaliya. Waxaana sida ay
waalidkoodu Warbaahinta u warameen xadhigooda adkeeyay
in 21 wiil ee lagu haysto kiiska kubsiga ahi loo haysto in ay kubsi u
gaysteen Gabadhjoogtey guriga Wasiir kamid ah Golaha xukuumada
inkastoo dad badani aaminsan yihiin inaan Wasiirka Arimaha Dibadda
Somaliland ka warheyn dhacadadani hadana

Waxaanay labadan caruur ahi kula xidhan yihiin dhalinyarada lala
taxaabay Jeelka wayn ee Magalada Hrgeysa taasoo midkiiba lagu
xukumay 10 sano oo Xarig , waxaa 7 cisho Gudahood lagu xukumay
Wiilashan iyadoo aan wax cadeyn ah lagu haynin haba yaraatee, dhinaca
kale gabadhii ku eedaysay inay 21kaasi Wiilal ay fara xumeeyeen Ayaa
iyadii loo dhoofiyay ama ay joogtaa dalalka Scandinavian-ka mid kamid
ah,taas oo iyaduna dhantaashey in ay cadeyn fiican Maxkamadu u cuskato
eedan maadaama aanay kala saarin gabadhaasi wajiyadii ay aragtey,iyo
kuwa kale ee lasoo dhex raaciyay ama lala soo qabtey cida wax u
geysatey sida sifaha sharciga ah ee Kubsigu yahey xeerarkiisa ciqaabta
inta aan la gudagalin.

Waxaa dalka Canada Todobaadkii hore ay u dirtay wafti kasocda Dalka
Canada gaar ahaan ciidamada sirdoonka Canada CISIS oo Labadan Wiil ku
booqday Xabsiga way ee Hargeysa taasoo Sawiro iyo warbixino kaso
diyaariyay Waftigii xabsiga booqday ee u tagay Labada wiil ee
canadinas-ka ah taasoo ay xaalada ay kujiraan Labadan Wiil aad looga
dayriyay kana cadheysiisay Dowlada Canada marka loo eego da,da
caruurtan yaryar ee Walaalaha ah, laguna rido xukunka intaa leeg.

Dowlada Canada ayaa u yeedhay Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland si
wax looga waydiiyo caruurtan aadka u dada yare ee xitaa af somaligu ku
adag yahay, dhinaca kale Dowlada Canada Ayaa joojisay gabi ahaanba
mashariic xaga Caafimaadka ah oo ay doonaysay in Somaliland ku caawiso
tasoo ay dib uga fiirsanayaan.

Dhinaca kaleWarbxin ay Bishii hore soosaartay Amnesty International
ayay ku qeexday in Somaliland xabsiyadeedu ay kujiraan caruur aad u
dayar taasoo ay dad waaweyn kula xidhan yihiin qolal isku meel
ahislamarkaana,loogu geysto caruurtaasi gudaha Xabsiga jidh dil aad u
foolxun,iyadoo arimahani baal marsan yihiin shuruucda iyo qaanuunka
Caalamiga ah,iyo xeerka jeelasha ee caruurta yaryar oo aan loo aabo
yeelin,Warbixintan ay soo saartey Ha,yada Xuquuqal Insaanka u dooda ee
Amnesty International ayaa la sheegay in ay soo dadajisey in Wasiirka
Arimaha Dibadda Somaliland looga yeedho Wadanka Canada
Sidoo kalena, Warbaahinta Canada Toronto star, Toronto Sun iyo
Telefishinka CBC ayaa aad uga faaloonayay Todobaadkan oo dhan Xuquuq
kutumashada Muwaadiniinta Canada ee Loogu gaystay Xabsiyada Somaliland
waxaa kaloo oo ay baryahan oo dhan shaacinayeen waraysiyo ay ka
qaadeen Caruurtii ay isla soo koreen amaba isku schoolka ahaayeen iyo
Macalimiintoodii taasoo ay dhamaantood sheegeen amaba ay xaqiijiyeen
danbiyadan lagu eedayay Liibaan iyo Jamaal inaysan kasuurtoobin in aydanbigaasi ku lug leeyihiin waxaayna yihiin wilal dhibanayaal ah.

Todobdaaka Soosocda Bishan Sept Horaanteeda Ayaa uu Imanaya Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland waxaana uu lakulmi doonaa saraakiil sare ookatirsan Ciidamada Canada iyo saraakiil sare oo ka tirsan Human Rightska.
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa, haysta Dhalasho wadanka Canada ah iyadoo,weakhti xaadirkana qoyskiisu degan yihiin Magaalada Ottawa ee dalkaasi Canada