Ciyaaryahanka reer Koonfur Afrika ee Oscar Pistorius Oo Lagu Waayay Inuu Gaystay Dil Badheedha.

Ciyaaryahanka reer Koonfur Afrika ee Oscar Pistorius Oo Lagu Waayay Inuu Gaystay Dil Badheedha.

oscer

Ciyaaryahanka reer Koonfur Afrika ee Oscar Pistorius ayaa lagu waayay in uu gaystay dil badheedha ka bacdi markii uu dilay haweenay lagu magacaabi jiray Reeva Steenkamp
Ciyaaryahanka ayaa dhiniciisa ku doodayay in wakhtigii uu gabadhan rasaarta ku furay uu moodayay tuug gurigiisa usoo dhacay ee aanu badheedh utoogan.
Garsooraha maxkamadda Thokozile Masipa ayaa sheegtay in cayaar-yahankani uu si taxaddar la’aan ah u adeegsaday qorigiisa basle wax ay ku wayday in dil ula kac leh,waxa ayna sheegtay in xafiiska dacwad oogista uu ku guul dareystay caddeynta in dilkaasi uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyay.

Mr Pistorius waxa uu ku dooday in si khalad ah uu u tooogtay gabadhaasi, isaga oo
moodayay in ay tahay qof gurigiisa u soo dhacay, waxaana uu haatan dambigaasi lagu helay uu ku muteysan karaa ku dhawaad 15 sano oo xarig ah.