“Manchester United Ayaa Iga Wanaagsan Real Madird” Falcao

“Manchester United Ayaa Iga Wanaagsan Real Madird” Falcao

bbbb

Hargeysa (Salaanmedia.com)-Ciyaaryahanka dhawaan ku soo biiray kooxda Manchester United Radamel Falcao oo muddo aad u dheer lala xidhiidhinayey kooxda ka ciyaarta Horyaalka Spain ee Real Madrid, ayaa sheegay in aanu dooaynin inuu ka hadlo sababta keenay inuu ku biiro waayo kooxda Real Madrid, balse waxa uu xusay inuu aad ugu furaxsan yahay kooxdiisa cusub ee Manchester United, isla markaana Manchester United ay uga wanaagsan tahay Real Madrid.

Falcao ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu aamisan yahay in kooxda Manchester United ay tahay kooxda ugu wanaagsan Adduunka, ugu horeyn waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Qof kastaaba waxa uu maqlay inaan ku biiray kooxda Real Madrid, laakiin ma doonayo in aan ka hadlo, waxa aan ku faraxsan ahay Manchester United, waxaana aamisan ahay in Manchester United ay tahay kooxda ugu wanaagsan, waxaana hubaa inuu go’aankaygu uu fiicna, mustaqbalkuna uu fiicnaan doonaa”
Laacibkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “In aan halkan imaada waan ku faraxsan ahay, waxaana ku riyoon jiray inaan maruun u ciyaaro koox sida Manchester United oo kale ah, waxa aan rajaynayaa inaan Manchester United aan sii joogo sannado badan, taariikhna aan ku sameeyo kooxdan, markii aan joogay kooxaha Porto iyo Atletico Madrid, waxaana ahaa mid inta badan doonayey horumar”.
Falcao oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waan hanaan cusub, waa koox cusub, waana ciyaaryahano cusub, oo xilli ciyaareedkan yimid, waxaana u maleeynaya in Manchester United ay dhismi doonto, xilli ciyaareedkan, aniga si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey, waxaana aamisan ahay inay wax walba ii fudayd ay noqon doonaan.
Anigu u maleeyn maayo inaanu wakhti badan u baahan ahay maxa yeelay Manchester United waxa ay haysta ciyaaryahano wanaagsan, waana run in ciyaaryahan kastaaba uu doonayo inuu ciyaaro koobka Champions League”.