GUDOMIYAHA GOBALKA TOGDHEER OO DHANBAAL TACSI AH U DIRAY QOYSKII UU KA BAXAY MARXUUM MAXAMED CABDI (CADOW-YURURE) OO KA MID AHAA WAXGARADKA G/TOGDHEER.

image

Burco (SM)Warsaxafadeed Uu Soo Saaray Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Oo Nuqul ka Mid ahi Uu Soo Gaadhay Shabakadda Caalamiga ah Ee Salaanmedia ayaa Dhanbaal Tacsi Tiiranyo Leh u Diray Marxuum Maxamed Cabdi (Cadow-Yuruure) Guud ahaanba Qoyskii,Qarabadii iyo Bulshadda Reer Togdheer-ba Geridii ku Timi Alle How Naxariistii Oo ku Geriyoday Casimadda Dalka Ethiopia Addis
Ababa.

Waxaanay Gudomiyuhu ilaahay Uga Baryay inuu Jano Fardowsa ka Warabiyo Samir iyo Iimina ka Siiyo Guud ahaanba Qarankii Uu ka Baxay.

Alle How Naxariistii Marxuum Maxamed Cabdi (Cadow-yurure) ayaa isagu ka Mid ahaa Waxgaradka Gobalka Togdheer Waxaanu ku Geriyoday Maanta Casarkii Casimadda Dalka Ethiopia Addis Ababa Waxaana la Filayaa in Lagu Aasi-Doono Magalo Madaxda Gobalka Togdheer Ee Burco.

Salaanmedia/Burco