Jamaal Cali Xussen waa cadceed, geesi, daacada ah oo Da yar ah oo U soo baxay Somaliland

Jamaal Cali Xussen waa cadceed, geesi, daacada ah oo Da yar ah oo U soo baxay Somaliland

JAMAAL

Salaan Sharaf badan kadib dhamaan Warbihinta kala duwan, waxaan aad uga xumahay aan qalinka u qaatay in aan ka hadlo dad wax magarata ah oo caloosha bugta oo ku soo qoraya warbaahinta Islamarkaana wax ka sheegaya siyaasiga Da’dda yare ee cadceed u soo baxaday Ilaaha u soo diray badaabdinta Qaranka Somaliland.

Waxaan u sheegayaa dhamaan dadwayanaha sharafta leh ee ka bad qaba calool xumada qabyaalada islamarkana doonaya badbaadinta Qaranka Somaliland in ay gartaan dadka waxyeelada la daba taagan Somaliland gaar ahaan ku tumanaya Caqaliga iyo aqoonta Shacabka Somaliland.

Hadii aan ka hadlo, Isku dirka iyo dab hurinta cadaawada ay u qabaan halyeeyagaasi Jamal Cali xuseen in uu la mid yahay waxa ay ka turjimayso itaal darida haysta Xukuumada Siilaanyo aan awoodi Karin in ay la taratanto Siyaayasiga aqoonta iyo karitida leh iyada oo ku meeraysanayso in had iyo jeer dib loo dhigo Doorashada Somaliland 2015.

Waxaan amakaag ah in nin sheegtay Boqor Allah Boqor ah Buurmadoow oo xitaa maanta ku muusanaabay in aan Beeshiisa cod siinin Murashaxa Jamaal Cali xusseen, waxaan odayga afk iyo waji qabiilka ku macashka ah u sheegaynaa in uu Beeshiisa ay ku filnaato Doorashada Siilaanyo oo qudha hadii Allah ka dhigo. Jamaal Cali Xuseen adiga waxba kaaga ma baahnaa waa nin Balaadhan oo Somaliland intaydii badnayd haysta.

Nimanka ay caloosha bugto ee wax ku soo qoraya websiyada, waxaan u sheegaynaa in ay intaasi iyo in ka badanba aanay waxba u dhimayn sumacada iyo sharafta uu ALLAH Ku mutaystay aqoonyahan Jamaal Cali xuseen. Ee ka naxoo nafta waa ayaanu leenahay.

Waxaan kaloo idiin xasuusinayaa in Baroorta orgiga ka wayn , musnoowaga iyo ooyihinta iska daya , Jamaal Cali waa nin u dhashay dhalinyarada ,aqoonyahanka ka fayow cuqdada qabli ah oo aan gelin godob iyo waxyeelan ee runta ka sheega siyaasdada Mucaradnimo.

Waxaan kaloo idiin sheegayaa in aydaan isku diri Karin Xisbiga UCID madaxadiisa afkaarta iyo talada way ku kala duwanaan karaan. Xisbiga waxaa goos dambeeka u ah Hogaamiye Rugacaadaa ah ee Faysal Cali Xuseen. Ee ha ku qatalmina waa siyaasda Xisbiga UCID in ay Sidaasi u shaqayaan.

Hadii ay idiinka dhabatahay , in uu sillanyo ka gali karo doorashada waxaa la idiinka rabaan in aad dhigtaan Sanduuqii waqtigiisa. Hadii kale dadwaynaha way tashanayaan oo mar damabe la kordhin mayo.

Hadii, ay tahay, qabyaalada, siyaasdad kala qaybin iyo tolayay ayaa reer sheikh isxaaq waxaa kursiga ku soo koray Siilanyo. Taariikhada way is qoraysaa ee la socoda dadwaynow.

Dhalinyada waxaa la gudboon in ay ka fekeraan mustaqablkooda si aan qabyaaladid ku jirin maanta ay tahay maalinta badbaada qaranak Somaliland gaar ahaan Dhalinyarada ayaa laga rabaa taasi

Guul, Xisibga UCID, Guul Musharaxa Jamaal Cali Xusseen

 

Hassan Ahmed

London

Hassan.kaid4@gmail.com