Xaalka madaxweyne Silaanyo ma fiicna, Somaliland na sidan ku sii socon kari meyso, imisa bilood oo danbe ayay Somaliland sidan ku jiri kartaa Abdi Mustafe

maqaal

Waxa bulshada reer Somaliland ku wada qanac sanyiin in haatan Silaanyo ka dego xukunka kol hadaannu tahli karayn in uu sii xukumo dalka. Silaanyo odeyada da’diisa ah kama liito ee xanuun baa hadalkii ka joojiyey xasuus tiina ka yareeyey.

Lama hayo meel uu ka hadlo oon ahayn Xirsi la xidhiidha iyo wasiir hebel baa arinkaa dhameeyey iyo gudi baan u saaray. Hadaladaa koob kooban baa ka soo baxa. Marwadiisa Amina Weris oo adeeg sanaysa Xirsi iyo Morgan iyo Zamam iyo koox wada khariban ayaa dalka booba oo xukuma. Waxaan mar labaad ku celinayaa Silaanyo dalka ma xukumo xanuuno daraadood ee shicibka reer Somaliland ha ka tashadaan sidii xilka looga qaadi lahaa.

Arimaha la doonayo in wax laga qabto maaha qaar ay Amina Weris oo dalka xukuntaa wax ka ogtay ama wax ka qaban karto. Wasiir Xirsi isna denbiile ayuu noqonayaa haduu ku saacido Silaanyo oo uu ogyay in aannu awood heyn in dalka uu sii xukumo. Dhibaatada uugu weyni waxa ka dhacaysaa dadka madaxtooyada ka ag dhawi dan kama laha ictiraaf raadin iyo hore u marka wadanka ee hantida qaranka ee ay boobayaan uun bay ku foogan yiin.
Amina Weris oo dumar nimo heyso ayaa moodeysa in aan la ogeyn in wadaad keedu uu xaalad adag oo caafimaad marayo. Shiekh iyo shariif wal oo ay geyso iyo kii ay uugu yeedho iyo waxay kula taliyaan ba waa la ogyay. Kola Galbeed bay uula carartaa kola bada saaxil waxay ka doonaan waa laga wada dheregsanyay.

Abdi Mustafe  

abdi_mustafe123@yahoo.com