Dowladda Jarmalka oo lagu wareejiyay laba nin oo si dhow loola xidhiidhiyay Al Shabaab

image

Dowladda Jarmalka, ayaa waxay la wareegtay laba nin oo u dhashay dalkeeda, balse toddobaadyo ka hor lagu qabtay Magaalada Nairobi, xilli ay doonayeen inay dib ugu laabtaan dalkaasi.

Booliska Jarmalka, ayaa xaqiijiyay in laamaha ammaanka ee Kenya ku soo wareejiyeen labadaan nin, isla-markaana ay Sabtidii ka soo deggeen Garoonka Magaalada Frankfurt.

Madaxa la dagaalanka argagaxisada ee Kenya John Mulaulu, ayaa waxa uu xaqiijiyay in labadaan nin la qabtay, xilli ay isu diyaarinayeen inay u socdaalaan dalka Jarmalka.

Sarkaalkaan, ayaa hoosta ka xariiqay in raggaan ay ka soo barbar dagaalameen Ururka Al Shabaab, ee dagaalka ka wada Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

John Mulaulu la hadlaayay Wakaalada Wararka ee Reuters, ayaa waxa uu cadeeyay laamaha ammaanka in raggaan ay gacanta ku dhigeen 29-kii bishii hore ee August.

Xeer Ilaalinta Jarmalka, ayaa waxay sheegtay inay dacwad ku soo ooggi doonto labadaan nin, oo loo heysto inay ka soo barbar dagaalameen Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka horyimaadeen Dowladda uu Caalamku aqoonsan yahay ee Somaliya.

Tani waxay ku soo aadeysaa xilli laamaha ammaanka Jarmalka ay baaritaano ku wadaan ilaa saddex nin oo heysta dhalashada Jarmalka, oo laba ka mid ah ay Soomaali tahay. Waxaana la qabtay xilli ay ka deggeen Garoonka Frankfurt, kana yimaadeen dalka Kenya.

Salaanmedia/Mogdisho