Madaxweynaha Oo Qaabilay Ergeyga NORWEY Uqaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Somalia

image

Hargeysa(SM)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday dalka Norway oo uu hogaaminaayo Ergayga gaarka ah ee Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Dalka Norway Mr. Jens Mjaugeal (Special Envoy for Somaliland and Somalia.

image
Kulankan oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade.
Waxaana halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Ergayga Norway.

 

Salaanmedia/Hargaysa