Taariikhda Xutiyiinta Qabsatay Wadanka Yemen iyo khatarta shiicanimo ee Somaliland kaga soo fool leh ??

Taariikhda Xutiyiinta Qabsatay Wadanka Yemen iyo khatarta shiicanimo ee Somaliland kaga soo fool leh ??

hussen

Aslaamu calaykum

Kacdoonkii xutiyiinta ( houthi rebellion) ayaa bilaabmay badhtamihii 2004, Waxaana kacdoonkaas xutiyiinta hogaaminayay ninka ay markii danbe ay qaateen magaciisa oo la odhan jiray Xuseen Badri diin al xuuti oo ahaa hogaamiyoodii ugu horeeyey sidoo kalena ahaa hogaamiyihii madahabta siyadiga ee shiicada Wadanka yemen. Bulshada Yemen 30% ayaa haysta madhabta shiicada ee sayidiga, waxayna  ku xoogan yihiin gobolka sacda ee waqooyi galbeed ee wadanka yemen halkaas oo dagaaladii ugu qadhaadha ku dhex maray kooxda xuutiyiinta iyo dawladii hore ee Ali abdalla salaax u hogaaminayay. Xutiyiinta ayaa waxay gaar u leeyihiin calan cad oo dhexda uga xardhan tahay Alaahu Akbar, dhimasho waxay u sugnaatay Maraykanka & Israa’iil iyo Islaamku ha guuleysto.

275px-Houthis_Logo
Sidoo kale xutiyiinta ayaa ku andacoonaya in dawlad yemen takoortay ayna tirsanayaan dulmi badan oo laga galay, dawlada yemen ayaa sidoo kale ku eedaysay kooxdan in ay doonayso in ay afganbido ayna dalka ka hirgaliyaan madhabta shiicada. Xeel dheerayaasha indho indheeya dhaqdhaaqa kooxdan ayaa aaminsan in ay taageero maaliyadeed iyo mid milatariba ay ka helaan Wadanka iiraan iyo kooxda Xisbullah ee ka dhisan Wadanka lubanaan.


Bishii Sagaalad 2004, ayay Dawlada yemen dishay hogaamiyahoodii asaasay jabhada xuutiyiinta Xuseen badri diin alxuuti, waxaana la wareegay hogaaminta walaaladiisa oo la kale yidhaahdo Abdulmalik badri diin al xuuti, ( Hogaamiyaha Xutiyiinta), iyo Yaxaye badrediin alxuuti ( Hogaamiyaha Siyaasada Xutiyiinta)  iyo Abdukariim badri diin alxuuti ( Hogaamiyaha Militariga Xutiyiinta).
Sida ay qortay jariirada Yemen post tirada dagaalyahanada xutiyiinta ayaa lagu qiyaasa inta u dhaxeysa 10,000 ilaa 100,000 oo dagaalyahan ama waranle ah.
Sanadkii 2009 ayay ahayd markii wadanka sucuudiga oo kaashanaya ciidamada yemen ay dagaal lagu hoobtay ku qaadan kooxdan xutiyiinta ah , ka dib markii ay falaagadani ay laysay ciidamo sucuudiyiin ah oo jooga xadka ay yemen la wadaagto, halkaas oo sucuudiguna diyaaradaha quumatiga u kaca ku duqeeyey.
Haddba, kooxda Xutiyiinta ayaa intii ay dagaalada kula jirtay dawlada yemen qabstay gobol badan oo ay ka mid yihiin gobolka Sacda, Jawaf iyo Xajj iyo inta badan goobaha muhiimka ah ee dawlada ee magaalada caasimada ah ee sanaca, oo ay maalmihii u danbeyey ay gacan ku hayntooda la wareegeen.
Qabsashada Falaagada xutiyiinta ee caasimada Sanca ayaa dadka ka faalooda siyaasada ay aaminsan yihiin in ay u fududeysay xidhiidh hoose oo dhex maray iyaga iyo tageerayaashii cali cabdalla saalax ee xukunka laga tuuray.
Haddba,
Dhacdooyinkan sida degdega ah maalmihii ugu danbeeyey ka dhacayey magaalo madaxda dalka Yemen waxay guul weyn u yihiin xutiyiinta iyo Iiraan oo ay gacan saar leeyihiin , waxayna guuldaro u tahay Wadamada jaarka la ah oo sucuudiga u horeeyo oo hadda u eeg wadan ay iiraan dhinacyada ka hareeraysay iyada oo iiraan hore gacanta ugu dhigtay ciraaq, syria , lubanan iyo yemen, waxayna iiraan sidoo kale qori dab leh ku tuurtay baxarayn oo janbiga ku haya sucudiga.

Ugu danbeyntii, inkasta oo bulshada somaliland ay boqolkiiba boqol ay yihiin dad muslim suni ah ayaa haddana ay bulshadeenu iyo dawlada Somaliland ay wacan tahay in aynu ku baraarugsano waxa mandaqada ka dhacaya iyo khatarta saameynta fikirka shiicanimada ee iiraan ka maleegayso dunida muslimka ah, gaar ahaan yemen oo hadda u eeg in ay gacanta ku qabteen kooxo shiico ah oo ay dabada ka riixayso dawlada iiraan. Waxayna yemen noqon karta goob fikirka shiicanimada la inooga soo dhoofiyo haddii aan shacab iyo dawladba lagu baraarugsanaan amnigeena iyo diinteena suuban.

Allah ha inoo ilaaliyo Amnigeena iyo Diinteena. Aamiin.

Allah Mahad leh
Saeed Abdullahi dualeh
Bristol, UK.