(JAMALOW HESHIISKII LAGALAY FAYSAL IFAHANSII DHEH, CALI GUREYOW MUSHARAXA HALALA SHAQEEYO)

maqaal


(JAMALOW HESHIISKII LAGALAY FAYSAL IFAHANSII DHEH, CALI GUREYOW MUSHARAXA HALALA SHAQEEYO)

shacabka jamhuuriyada somaliland waxaa beryahan danbe dawikhayay hadalo farabadan oo ay is dhaafsanayeen asxaabta mucaaraka iyo xukuumada, murankasoo ahaa diwaangalinta madaniga ah hala joojiyo iyo dadka waa la diiwan galinayaa inta muwaadinka ah,
murankaa waxuu dhaliyay in arimo kale oo aan ku haboonayn dhegaha shacabka warbaahinta la isu mariyo tasoo ahayd saraakishii ku dhimantay taliska qorilugud in la dhex raaciyo murankii diiwangalinta, shacabka jamhuuriyada somaliland meel walbay jogaan waxay canbaraynayaan falkii foosha xumaa ee halkaa kadhacay dowladana waxa looga fadhiyaa inay maxkamada keento in alaale intii ku lug lahayd falkaa.
jamaal cali xuseen oo ah musharaxa xisbiga ucid ayaa sic cad uga horyimid heshiiskii ay galeen xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada, ilaa hada shacabka jamhuuriyada somaliland waxay is waydinayaan waqtigii heshiiska dhacayay jamaal miyaa ka maqnaa dalka, maxuuse uga qayb gali waayay ilayn waa musharaxa xisbiga ucide, mise odayga musharax nimadiisa calaamatu su’aal ayaa ku jirta.
jamaal cali xuseen intuusan ku biiran masraxa siyaasada waxuu ahaa aqoonyahay dhalinyarada jamhuuriyada somaliland ay aad uxiseeyaan ayna jecel yihiina inay ku xidhmaan si ay wax badan oo uu aqoon u leeyahay uu uga faa iideeyo.
hadaba jamaal waxuu ku milmay masraxa siyaasada waxaa beryahan danbe laga dheehan karaa hadaladiisa jamaloo leh wasiir hebel oo kasoo jeeda reerka waxuu u ogalaaday nin reerkooda ah inu halkaa wax ka samaysto, jamalna waa aqoonyahay kumana haboona sharaftisa iyo karamadiisa iyo aqoonta uu leeyahay inuu banaanka keeno waxay somaliland ka gudubtay oo ah reer hebel, mujaahid cali gureyna waxaan leyahay war musharaxa xisbiga halag qayb galiyo heshiisyada uu xisbiga ucid si wacana haloola shaqeeyo aqoontisana xisbiga haka faa idaysto

anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka jamhuuriyada somaliland waxaan kula dardaarmayaa jamaal inuu ilaashado tageerayaashiisa baxada leh kana dhawrsanaado hadalada xanafta leh ee siyaasadiisa wax yeelayo.