Afhayeen Dhuxul Waxaan Leeyahay Xiitoy Masoo Hoysan Karo Oday Xagaystaaye Xidhka Gaadahaa Ugu Jiriyo Aar Xabeebsaday

maqaal
Waxan maalmahan dambe media ku arkaayay Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo hadal dhan walba u orada kaleh dhawr jeer 

waxana markii ugu dambaysay uu weerar naf la caarida ku qaaday Xildhibaanada Aqalka Wakiilada kuwa ugu tunka wayn ee sidda gaarka ah uga tilmaaman Baarlamaanka JSL ee aan dhinacooda dhulka la dhigin waxaynu wada ognahay in Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale ay yihiin jawharadda Baarlamaankeena iyada oo ay dadka qaarna ku tilmaamaan libaaxyada golaha 

ayaa waxa wax aan dadku qaadan karini waxay kaga soo yeedheen Afhayeenka Madaxtooyada Mr Dhuxul oo yidhi waan Xildhibaanadaas laga qaadaa xasaanada ay huwanyihiin isla markaana Maxkamad lasoo taagaa

Horta Dhuxul waxaan usheegayaa marka hore inaan xildhibaanadan sidiisa xaashi lagu magacaabin ee ay umadda iyo Gobolo soo xusheen marka labaad waxaan usheegayaa inaanay shacabkii soo wakiishay hadaladaada ka dhega la.ayn 

Waxaanad ogaataa in aanay ahayn Laba Xildhibaan oo sidaad doonayso kuu yeelaaya inaanay ahayn 

Hadaba waxaan doonayaa inaan ku fahansiiyo ciwaanka Maqaalakan aan adiga kuugu digayaa waxa uu ka turjumaayo

Waana ta aan usoo qaatay Tuducan Kamida Gabaygii Faarax Laanjeer ee uu lahaa 

      XIITOOY MASOO HOYSAN KARRO 

      ODAY XAGAYSTAAYE XIDHKA

      GAADAHAA UGU JIRIYO 

      AAR XABEEBSADAYE

     WAXA XULADKU UGU QIIQAYAA

     XOON WALAALA AH

Waxan filayaa in hadii aad garaad fiican leedahay ay kugu filantahay Suugaantaasi

adiga iyo inta xaga dambe kaa riixaysaana ee aan xanshaashaqooda maqlayaana 

ma ag iman karto Siciid iyo Bashiir toona inay xigmad ku lumaiyaana ina kama suurawdo anaguna ma ogolin ee adeer anagaa ku leh ee qunyar caga dhigo oo Xukumadda aad la joogto ee gabaabsigaa xejiso inta xaqu kusoo degaayo waa beri iyo wixii noole 

walaw aanad mudnayn inaan aniga qudhaydu wakhtiga intaa leeg kugu lumiyo hadana waa lama huraan inaa si kooban kuu waaniyo waayo Anigoo jawaab kugu filan helaaya hadana waxan ka door bidayaa inaan ku waaniyo si aad wax ugu qaadato maxaa yeelay 

jawaabta miisaankeeda lagam qaaddo iyo hal ku munaasibkeedaba

by Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky

Qalin Ku Difaac Grouo