Qaranka Somaliland Isagoo Kaashanayaa Ciidamadiisa Kala Duwan Kuna Xisaabtamaya Shacabkiisa Feejigan Waxaa Ka Go’aan In Cadaaladda La Hor Keeno Gacan-Ku-Dhiiglahaas Isla Markaana Lagu Fuliyo Qodobada Sharcigu Jideeyey!…..

10702017_1670846803141045_6269689556903604371_n

Qaranka Somaliland Isagoo Kaashanayaa Ciidamadiisa Kala Duwan Kuna Xisaabtamaya Shacabkiisa Feejigan Waxaa Ka Go’aan In Cadaaladda La Hor Keeno Gacan-Ku-Dhiiglahaas Isla Markaana Lagu Fuliyo Qodobada Sharcigu Jideeyey!…..

Waxay ahayd maanta kadib markii wafti aan kamid ahay isla markaana ka koobnaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mud. Cali Maxamed Warancade, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyada Mud. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid , Taliyaha Ciidanka Nabadgelyadda Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Masuuliyiin kale aan safar ku gaadhnay Caasimada Gobolka Awdal ee Borama.

Ujeedada Safarkan Ayaa Ahaa Garab Joogsiga Iyo Qalbi Buuxinta Qoyskii Uu Ka Baxay Allaha U Naxariistee Sarkaal Jaamac Bidaar Oo Gacan-Ka- Gar Daran Ku Dishay Qorulugud.

Allaha U Naxariistee Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa ma Seexdayaasha Sugga Soohdimaha dalka isla markaana shacabku ku seexdaan.

Waa dhab oo naf walba sabab iyo ajal ayey leedahay balse in maanta Allaha u Naxaristee Sarkaal Jaamac Bidaar iyo walaalkii Sarkaal Maxamed Yusuf ay sababsadaan gacan qof aynu sokeeye moodaynay waa naxdin iyo wax aynaan filayn!

Guud Ahaan Qaranka Somaliland Isagoo Kaashanayaa Ciidamadiisa Kala Duwan Kuna Xisaabtamaya Shacabkiisa Feejigan Waxaa Ka Go’aan In Cadaaladda La Hor Keeno Gacan-Ku-Dhiiglahaas Isla Markaana Lagu Fuliyo Qodobada Sharcigu Jideeyey.

Sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu horayba uuga tacsiyeey isla markaana u tilmaamay AUN Sarkaal Jaamac iyo Sarkaal Maxamed kamay dhiman Qoys iyo Qof kaliya ee waxay ka baxeen Qaranka Somaliland, Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka baxeena Waxaan Illahay uuga Rajaynaynaa Badel , Qaranka Somaliland-na Allaha Kaalintii ay ka baxeen u buuxiyo.

Safarkan ayaa noogu soo dhamaaday Anagoo dareen kaliya ka wada qabna qiimaha qaaliga ah ee sarakiishii inaga baxday isla markaana isla fahmayna in ay ahayeen Hanti Qaran oo aan la Hurayn!

Qaranka Somaliland waa Qoys Qudha oo Qalbi Kaliya Wada Leh

Wa Bilaahi Tawfiiq.