BOGA TACSIDA EE DR Cabdiqaadir Xaaji Muuse Muruqliqe…… ALLAH HA U NAXARIISTEE

TACSI

 

 

 

 

 

Gudida Talo iyo Tawfiiq ….. Tacsi Tiiraanyo leh  HY ee TIT 

Gudida Talo iyo Tawfiiq : Tacsi tiiraanyo leh
Gudida Beelaha Habar-yoonis ee Talo iyo Tawfiiq waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa eheledii, Qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland waxaanay uga tasiyadaynasaa geerida naxdinta lahayd ee ku timi marxuum Dr Cabdiqaadir Xaaji Muuse Muruqliqe, agaasimihii hospital-ka burco oo maanta lagu aasay magaalada burco. Guddida Talo iyo Tawfiiq waxa si gaar ah ugu tacsiyadaynasaa qoyska reer Xaaji muuse muruqliqe waxaanay ilaahay uga baryaysaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana uu jannadii firdawsa ka waraabiyo.
Amiin Amiin Amiin

Xafiiska Guud ee Gudida TIT : Burco

 

 

 

IMG_09731

Waxaa inaga baxay nin qaali ah ilaahay haw Naxariist. Aniga oo ah marwo Faisa faarax Suusle iyo dhamaan gabdhaha Garabka Talo iyo Tawfiiq ee Beelaha Habar.Yoois gudo iyo dibadba waxaanuTACSI tiiraanyo leh u diraynaa eheledii iyo qaraabadii,   guud ahaanba  gobolka Togdheer. Geerida naxdinta lahayd ee ku timi marxuum  Dr Cabdiqaadir Xaaji Muuse Muruqliqe, waxaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu jannadii firdawsa ka waraabiyo, dhamaantena samir iyo imaan ilaahay inaga siiyo amiin..’

BY Faisa Faarax Suusle.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Talo iyo Tawfiiq.

 

 

Dhamaan Xubnaha gudida HY London waxay tacsi tiiraanyo leh u kala dirayaan qoysaskii ay ka kala geeriyoodeen labada marxuum ee kala ah
1. Maxamed Cabdi Cadow Yuurura, iyo
2. Dr Cabdilqaadir Muuse Muruq liqe
Kuwaas oo labaduba todobaadkan ku geeriyooday Somaliland
Dr Muruq liqe wuxuu ahaa agaasimihii cusbitaalka Burco iyo dhakhtarkii mujaahidiinta ee xiligii halganka
Labadaba ILaahay(SWT) naxariistii jano ha ka waraabiyo ehelkoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin
Gudida HY London

 

Â