Man United Oo Guul Ka Gaartay West Ham Xilli Casaan Laga Siiyay Kabtankooda Rooney.

Man United Oo Guul Ka Gaartay West Ham Xilli Casaan Laga Siiyay Kabtankooda Rooney.

MAN UNITYYY

Man United ayaa ku soo laabatay wadada guusha ka dib markii ay 2-1 uga badiyeen kooxda West Ham oo marti ugu aheyd Old Trafford inkastoo ay 10 ciyaaryahan ku ciyaarayeen muddo 40 daqiiqo ah markii casaan toos ah uu ka qaatay kabtankooda Wayne Rooney oo gool iyo casaanba isku darsaday.
Manchester United ayaa sidii kulankii Leicester ku bilaabatay si aad u fiican iyadoo Wayne Rooney uu hogaanka u dhiibay daqiiqadii 5aad ee ciyaarta markii karoos aad u fiican uu ka yimid Rafael.
Van Persie ayaana hogaanka u dheereeyay Manchester United daqiiqadii 22aad ka dib markii Alex Song uu kubada dhumiyay islamarkaana Radamel Falcao uu kubada u dhigay xiddiga reerHolland oo shabaqa ku hubsaday kubada.
Laakiin West Ham ayaa ciyaarta dib ugu soo laabatay ka hor inta aan la aadin waqtiga nasashada, kooner uu soo tuuray Stewart Downing ayaa keenay in James Tomkins uu kubad madax aheyd birta ku dhufto ka hor inta Diafra Sakho madax ku dhalinin sideed daqiiqo ka hor inta aan la aadin nasashada iyadoo lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.
Manchester United ayaana si halis ah ku nooleyd bilowgii qeybta labaad ee West Ham ay labo jeer u soo dhawaatay inay barbareyso ciyaarta, De Gea ayaa fursad fiican ka beeniyay Sakho ka hor inta uusan James Tomkins u soo dhawaanin inuu shabaqa soo taabto.
Saacad markii ay socotay ciyaarta ayaana Manchester United uu xaalka ku xumaaday markii kabtankooda Wayne Rooney casaan laga siiyay isagoo qalad xun oo kubada ka fog ku galay Stewart Downing markii gadaal ka haraantiyay. Waxaana ay Man United ku soo hartay 10 ciyaaryahan.

Inkastoo United ay 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay hadana waxa ay ilaashadeen hogaankooda iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda macalin Louis van Gaal.
Waxaana ay guushaan ka saacideysaa inay wadada guusha ku soo laabtaan, laakiin waxa ay ganaax ku waayi doonaan kabtankooda Wayne Rooney oo casana toos ah ku qaatay Downing.
Man United ayaa ku jirta kaalinta 7aad iyagoo leh 8 dhibcood ka dib lix kulan oo la ciyaaray