Taaj-dahaba waxaan saarayaa Mohamed Abdi Halac oo jawaab taariikhi ah sii yey Ahmed Suleiman Dafle oo danaaniyey Abdi Mustafe

maqaal

Waxaan gacan u taagay, amase taaj saaray, uuna is taagay, Mohamed Abdi Halac oo anigu shakhsi ahaan aanan garanayn laakiin sida uu uugu jawaabay markaan dhegeystay Ahmed Suleiman Dafle ay tahay mid raga nimo ahayd oon midh beena sheegin ee bixiyey sawir sax ah oo Ahmed Suleiman Dafle hore iyo dib ba ah iyo daraawiish. Mohamed Abdi Halac halkay lahayd taariikhdu ayaad dhigtay, waana aad ku mahadsantay.
Dhawaan ayaa Ahmed Suleiman Dafle oo ay ahayd in uu dhuumasho ku jiro uu warbaahinta is keenay isagoo aflagadeynaya Silaanyo iyo awoow yadii iyo isaaq ba, oo weli ay ka muuqato in ciil iyo tiiraanyo hayso.
Marnaba may ahay in uu dadka is xasuusiyo isago denbiilihii uugu weynaa ahaa waagii sodogii dalka xukumayey.
Ahmed Suleiman Dafle oo Mandheera iyo magaalada shiekh ku koray oo aabihii dawaarle ka ahaan jiray marna Jeelka Mandheera marna askarta shiekh lagu taba baro oo weliba la dhalay ayaa ahaa nin aan weligii ka xishoon reerka dhalay iyo isaaq caam ahaan. Xasuuqii iyo dabar goyntii reer waqooyiga isaga ayaa ka kow ahaa. Ahmed markii uu koraayey wuxuu ahaa wiil jilicsan oo liita oo caruurta kii soo gaadhaaba wax ku dhufto. Markii uu derejada helay ee sodogii dalka qabsaday aarsi ayuu ku bilaabay ummad dhan. Hase yeeshee bal in uu majnuun falan yahay khaatumo oo aannu skuul yarna ka dhisin markii uu awooda lahaa ayuu maanta u doodayaa. Ahmed weli doqon niimadii markii uu yaraa heysay kamay bi’in. Gabaygan hoos ku qoran oo uu tiriyey ninkii Qassim la odhan jiray ( Ahmed Ismail Deria ) ayaa til maan wanaagsan kaaga bixinaya sida uu u dacal baneeyey.
Odaygii dalqada weyn lahaa derejadii xoorye
Daan-daan Tumaalkii markii laysu daadsadaye
Wax la yidhi ma daaficine wuu sii dabayshadaye
Laamuu ka degey baa la yidhi Doon intuu koray’e
Isaga iyo Dafleba meesha way dacal bannee yeene
Degdeg bay dhulkii uga baxeen duhur dharaareede