Amiirka Al-Shabaab oo soo diray Fariin Xasaasi ah oo kaga hadlayo dhinacyo kala duwan(Aqri Nuxurka Fariintasi)

Amiirka Al-Shabaab oo soo diray Fariin Xasaasi ah oo kaga hadlayo dhinacyo kala duwan(Aqri Nuxurka Fariintasi)  
 

news-image1

Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr ayaa soo diray Fariin Maqal ah uu kaga hadlayo Marxalado kala duwan gaar ahaan Siyaasada Soomaaliya iyo Dagaalada ee kala horjeedaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya.

Abuu Zubeyr ayaa fariintiisa ugu horeyn waxa uu ku amaanay kuna bogaadiyay ragii fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan lagu qaaday Maxkamada Gobolka Banaadir halkaas oo lagu dilay dad ka badan 30-qof oo u badnaa dad Shacab ah oo Maxkmaad u tagay arimo Dacwo la xariira , waxa uuna Xusay amiirka in ragii Weerarka Fuliyay ee Naftooda u hureen Ilaah iyo in Sharciga Allah lagu dhaqmo Xeerka Gaaladana la Zuuliyo.

Amiirka Al-Shabaab ayaa xusay in Dhiiga Raga Al-Shabaab katirsan ee Naftooda huraya uu fashiliyay Duulaano badan oo la qorsheeyay uu ka tilmaamay Duulaanka Mareykanka , Kan Itoobiya iyo Sidoo kale Dowladihii KMG ahaa ee kala Hogaaminayeen C/Laahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Waa dhiigga Shuhadada waxa fashiliyay duulaankii Mareykanku ku soo qaaday dalkeena, waa dhiigga shuhadada waxa Itoobiya u diiday iney qabsadaan dalkeena, waa dhiigga shuhadada waxa dumiyay shirqoolladii C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif , waa dhiigga shuhadada waxa burburin doona dabinada Ugaandheeska iyo dabadhilifkooda” ayuu yiri Amiir Sheekh Abu Zubey.

Abuu Zubeyr ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Sharciga ilaahey garab istaagan ayna dhagaha ka fureestaan balan qaadyada uu sheegay in dhalanteed yihiin ay gaalada balan qaadayaan , garab iyo gaashaana u noqdaan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Amiirka Al-Shabaab ayaa ka hadlay Shirka 7-da bishan ka furmaya Magaalada London ee looga hadlayo Arimaha Soomaaliya waxa uuna xusay in Shirkaasi uu dhameystir u yahay Shirqoolo sanadkii hore lagu maleegay Shir isna London ka dhacay.

Abuu Zubeyr oo dadka qaarkii u yaqaanaan Axmed Godane ayaa tilmaamay in shirka London ka dhacaya markan looga arrinsanayo meel marinta shirqoollada ay ka mid yihiin ilaha dhaqaalaha ee dalka in lala wareego, kala qeybinta dalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka .

Abuu Zubeyr ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Dowlada Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna sheegay in Dowladihii hore Dowlada ee kaga dheereeso dhinaca waxa uu ku sheegay Daba dhilifnimo ayna awoodi waayeen in ee go’aan mid ah yeeshaan si ay cadowga Dalka ugu gacan galiyaan.

“Umaddu waa iney ku baraarugto in kooxdani ay dalkeedii, diinteedi iyo Umaddeeba cadow ku tahay, waxey horor ku yihiin wax kasta oo ay Umaddu ku dhaadaneysay Diin, Dal, Sharaf iyo Maal intaba, shakina kuma jiro iney ku danbeyn doonaan halkii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay, marka laga dan dhameystana iyagoo dulleysan in dibadda loo tuuri doono” ayuu yiri Sheekh Abu Zubeyr.

Fariintan uu soo diray Amiirka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xili dhawaan la filayo in Shir arimaha Soomaaliya looga hadlayo uu ka furmo Dalka Ingiriiska kaa eey kasoo qeyb gali doonaan Madax kala duwan oo ka kala socda wadamada arimaha Soomaaliya inta badan daneeya.

Xafiiska Salaanmedia/Mogdisho