Buurta Gacan-Libaax: Shirkii Beesha Muuse Cabdalle Oo Uu Soo Gunaanaday Suldaanka Guud Ee Beel-weynta Habar Yoonis + SAWIRRO.

Buurta Gacan-libaax Go’da Weyn (SM) Shirweynihii beelaha Muuse Cabdalle [Habar Yoonis], ayaa shalay lagu soo gunaanaday Buurta dalxiiska ku wanaagsan ee Gacan Libaax kana tirsan degmadda Go’da Weyn ee gobolka Saaxil.

IMG1098
IMAG0665IMAG0539
Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen  Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim, Cuqaasha beesha, Siyaasiyiinta, Xildhibaanadda beesha ugu jira Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanadda dalka, Culimo awdiinka, Dhalinyaradda, Haweenka, Aqoon-yahanka, iyo waliba xubno ka badan oo shirka uga yimid dalalka ka mida qaaradda Yurub, America iyo Aasiya iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee beeshu ka kooban tahay, ayaa lagaga hadlay qodobo badan oo la xidhiidha siyaasadda, dhaqaalah, ilaalinta deegaanka, iyo qodob la xidhiidha xaqa dhaqanka, ayaa socoday muddo afar maalmooda oo ku beegnayd 24-kii ilaa 27-kii bisha, waxaana gabagabadii shirka lagu soo casuumay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Suldaan Qani iyo salaadiinta kale ee isla beesha.
Shirka oo qaban qaabadiisu ka socotay dalka dibediisa iyo guddihiisa, gaar ahaan magaalooyinka Berbera, Sheekh Burco, Oodweyne, Hargeysa iyo degmadda uu ka dhacaye ee Go’da Weyn, ayaa ku soo dhamaaday jawi guul ah, waxaana hadalkii xidhitaanka shirweynaha ku soo dhoweeyey Suldaanka Guud ee beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ah Suldaanka Beesha MC, isagoo Suldaan Qani-na sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka, qoddobadda mihiimka ah ee ka soo baxay iyo waliba xidhitaanka shirweynaha beesha uu xusay inay wax weyn ka tarayso xaaladdaha iyo maraaxilka siyaasadeed ee dalka ka jira,
Suldaan Qani ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in aad loogu baahnaa qoddobka la xidhiidhay ilaalinta deegaanka iyo waliba baabiinta Seerayaasha macno darradda ah, waxaanu Suldaanku aad uga mahadceliyey sida fiican ee loogu soo dhoweeyey isaga iyo weftiga uu hogaaminayo dusha sare ee buurta Gacan Libaax, iyagoo aad uga helay quruxda ay leedahay buurtan oo xaga dalxiiska aad u wanaagsan, isla markaana uu tilmaamay inay ka mid tahay, iyadda iyo Buuraha Daallo, Surad goobaha uu dalka Somaliland aadka ugu faano marka laga hadlayo goobaha dalxiiska.
Weftiga Suldaanka Guud uu hogaaminayo waxa ka mid ahaa Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good, Suldaan Cabdiraxmaan Cawaalle Hurre, Guddoomiyaha beelaha Habar Yoonis ee guddida Tallo iyo Tawfiiq Xasan Xuseen iyo laba xunood oo guddidaas ka mid ah. Waxaana madasha shirku ka dhacayey oo ka mid goobaha dalxiiska ee buurta dusheeda si niyad sam iyo qalbi furan ku soo dhoweeyey isagoo kaga hortagay meel mastaafo durugsan u jirta goobta shirka Suldaanka beesha Muuse Cabdalle Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim, Iyadoo ergooyinkii iyo goob-joogayaashii shirkuna waddada hareeraheega caleemo qoyan la taagnaayeen, kuwaasoo markii uu weftigu madasha soo gaadhay-na ay mid mid u gacan qaaday. 
Weftiga Suldaanka guud ee beeshu hogaaminayey iyo xubnaha kale ee beesha ah ee la socday, waxa uu Suldaan Maxamed Xasan ku soo wareejiyey qaybaha kala duwan ee dalxiiska ee dusha buurta Gacan Libaax oo wakhtigaasna jaweedu aad u wanaagsan laba saacadood ka dibna uu ka da’ay roob.
Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Qumannews.com
Â