Xukun-qarqooshka xakamaha neceb, xildhibaanada xatooyada jecel iyo xisbiyada xilkoodii gabay

Xukun-qarqooshka xakamaha neceb, xildhibaanada xatooyada jecel iyo xisbiyada xilkoodii gabay

maqaal

Xukuumad kasta oo wadan ka talisa waxa lagu qiimeeyaa adeega ay u fidiso bulshada dooratay iyo sida ay u maarayso dhibaatooyinka bulsho ee ka jira wadankaas isla markaana ay u fardaamiso xaaladaha soo waajaha shacabkeeda. In kastoo ay wadamadu ku kala duwanyihiin hanaanka lagu soo doorto xukuumad cusub, hadana horumarinta bulshadu waa waajibka koobaad ee laga sugayo xukuumad kasta oo talada qabata. Ummad kasta oo dawlad dhisata waxa kala haga xeerka ay u dejisato hab-nololeedka u gaarka ah bulshadaas. Distoorku waa xeer qaran oo loogu talo galay in lagu maamulo qaranka loo dejiyay waxaanu xakame u yahay dhamaan muwaadiniinta dalkaas madax iyo mijo intaba(cid kasta oo xil haysa iyo shacabka u dhiibtay). Xukuumaddu waa waaxda fulisa dastuurka qaranka xildhibaanduna waa wakiilada bulshadu u doorato inay xakame o noqdaan xukuumada haday ku tallabsato ku xadgudub distoor kana eegaan sharci kasta ama xeer kasta oo xukuumaddu u samaysato shacabka. Somaliland maanta waxa ka jira ku xadgudub distoor iyo ku tumasho sharcigii wadanka oo xukuumaddu jeebka ku qadatay una joojin weyday. Xukuumadan xakamaha necebi waxay banaysatay waxyaabahan soosocda

  • Ku tagrifalka hantida qaranka oo loo isticmaalo si bilaa xuduud ah: Qiyaastii 70% hantida qaranku waxay ku baxdaa tamashle, taxtaxaash, tumasho, laaluush, lunsi  iyo leexsasho.
  • Ku tagrifalka awoodda qaranka oo loo isticmaalo si arxan darro ah:  Ciidamadii loo aasaasay inay shacabka ilaaliyaan ayaa hadda loo adeegsaday  inay badhna xasuuqaan badhna xabdsiga u taxaabaan. RRU, SPU iyo OPU waa ciidamo loo carbiyay inay madaxa ka toogtaan ciddii xaqeedda distooriga ah ka hadasha ee  ku soo bandhigta banaanbax, hadal, ama qoraal.
  • Majara habaabinta masiirka ummadda:  Himilada ugu weyn ee umaddani higsanaysaa waa in ay hesho aqoonsi caalami ah oo ay xubin ka noqoto beesha caalamka, Somaliland muddo labaatan sano ka badan waxay ku hawlanayd aqoonsi raadis waxaanay beesha caalamka ka heshay garawshiiyo loo qiray inay istaahisho aqoonsi lasiiyo. hadaba tan iyo intii xukuumaddani talada dalka la wareegatay waxa wax weyni iska bedelay qorshihii aqoonsi raadiska waxaanay jeexday dariiq kale oo ilaa iyo hadda u muuqda mid hadii la raaco ku danbaynaya federal iyo Somalia oo markale dib loola midoobo.
  • Xaraashidda khayraadka dalka:  Dalkan jamhuuriyadda Somaliland waxa ku duugan kharaad aan la qiyaasi Karin oo meel kasta oo dulkeeda kamid ah ku aasan. Dhagaxeeda, dhirteeda, ciideeda, carradeeda, baddeeda iyo buuraheeduba waxa ay la ciirciirayaan khayraad nooc kasta leh. Hantidaas soo jireenka ahi waa dhaxal shacabka reer Somaliland u kala hadheen oo jiilba jiil ka dhaxlay  waana ammaano qaran oo qoorta u saaran marba xukuumadda talada haysa. Hadaba tan intii xukuumadani ay talada la wareegatay waxa ay ku  soo deysay shirkado maafiya ah oo ay suuq madaw kula heshiisay una fasaxday inay gurtaan khayraadka dalka. Shirkadahani waxay isugu jiraan kuwo ka qadhaabta badda oo ka gurta macdan iyo kalluun iyo kuwo buuraha ka qadhaabta oo ka gurta macadano kala jaad ah oo dunida qiimo weyn ku leh. Waxa kaloo shirkadahaas ka mid ah kuwo shidaal baadhaya oo lala galay heshiish wakhti dheer ah oo aan faa’iido ugu jirin shacabka dhulka leh.
  • Xukun maroorsi xag ka raran: Xukuumadda hadda talada haysaa waxay ku timi xisbi muddo ku toban sano ku dhaw mucaarad ahaa intaana halgan ugu jiray sidii uu mar uun hogaanka u qaban lahaa, inkastoo xisbigani ahaa mid qaran oo dhamaam beelaha Somaliland dega ay ka dhexmuuqdeen haddana tacabkiisa iyo tolla’aydiisa waa loo kala badnaa taasina waxay keentay markii uu xukunka ku guulaystay in uu soo dhiso xukuumad xubnaheedu u kala awood badanyihiin sida ay ugu kala dhawyihiin qoyka madaxweynaha. Awoodda wasiirka, ta agaasimaha iyo xubnaha ka sii hooseeya waxa lagu saleeyay xigaal, xidid  iyo xisbi. Taasi waxa noqotay sunne cusub oo ay jidaysay xukuumadda maanta talada haysaa waxanaa laga cabsi qabaa in mustaqbalka ay keeni karto in lagaga daydo marka cid kale talada dalka la wareegto waana arrin qaranka khatar ku ah in la kala xigsado muwaadiniinta Somaliland.  Habdhaqanka noocan ahi waa ka sababay in xukuumadan aad loogu eedeeyo inay qabyaalad cad wadanka ku maamulayso.

Hadaba akhriste ha la yaabin oo qudha in waxyaabahani jiri karaan laakiin waxa kaloo ka sii yaab badan ciddii la xisaabtami lahayd xukuumaddan  xadhkaha qoosatay ee xaalkeedu yahay “Nin xabbad haysta xeer ma qabto, sharciga dalkuna waxa uu ku fulayaa qudha qof an si difaaci Karin”. Waxa shacabku soo doorteen xildhibaano ka wakiil ah oo dabar iyo seeto u noqon lahaa habdhaqanka xumuumadda. Golaha wakiilada oo ka kooban 82 xubnood saddex meelood laba ahaan waxay noqdeen shilin gurato afku ka weynaaday oo biishada mooshinada xukuumaddu ku bannaysanayso dhaca iyo boobka umadda. Waxay shuraako kula noqdeen xatooyada xoolaha dadweynaha oo loo xantoobiyo. Nin wasiir ah ayaa ku faanay in uu xildhibaanda ka ansaxsaday in ka baddan 40 mooshin oo aany mid keliya is hortaagin. Hadda ogsoonow waxyaabaha uu wasiirku ka ansaxsaday xildhibaanda waxa ka mid ah xeerar lagu bannaystay ku tagrifalka  hantida qaranka, awoodda qaranka,  xaraashidda khayraadka dalka iyo majara habaainta masiirka ummadda.

Akhriste, ayaan darrada kale ee jirtaa waxa weeye xisbiyada mucaaradka ah oo kaalintoodii aan si firfircoon uga soo bixin. Marka xukuumadu ay bahalawdo ee xildhibaaanduna dhuuni raac noqdaan cidda keliya ee masuul ka ah shacabka danyarta ah waa xisbiyada mucaaradka ah, waxa looga fadhiyaa inay adeegsadaan awoodda shacabka oo is hortaagaan tallaabo kaste oo khaladan oo ay ku kacayso xukuumaddu. Arrimaha aan kor kusoo dheegay oo dhan markii ay dhacayeen goob joog ayay ahaayeen xisbiyada mucaaradka ahi laakiin afka ayaaa biya uga buuxeen oo waxay hanbabareen xilli xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Waxay iska lumiyeen jaanis badan oo aya ka fadaysan karayeen waanay sii lumin doonaan hadday sida ku eegtaan xaaladda dalku marayo.

Ugu danbayntii waxaaan maqaalkan ku soo gunaanadayaa rajada keliya ee dalku maanta qabaa waa xisbiyada mucaaradka ah oo laga filayo inay isbedel dalka kau curiyaan, sidaa darteed waa inaad isu diyaarisaan sidii aad talada dalka ula wareegi lahadeen idinkoo ka faa’iidaysanaya awoodda shacabka oo hadda u baahan meel uu ku soo hirto oo uu ku badbaado:

Allaa mahad leh

By: Cabdixakiim    Muuse    Cali