Dad ku dhintay, kuna dhaawacmay qarax ka dhacay maqaaxi ku taala Degmada Beled Xaawo

image

Waxay faah faahin dheeraad ah ka soo baxeysaa qarax xoogan oo galabta ka dhacay maqaaxi ku taal Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Qaraxa waxaa loo maleynaa inuu ahaa mid horey loogu sii diyaariyay maqaaxida, oo ahayd mid shaah laga cabo, ayna bulshada isugu timaado.

Waxaa ilaa iyo hadda la ogyahay in hal ruux uu ku dhintay qaraxa, halka laba kalana ay ku dhaawacantay, waxaana dhibanayaasha la geeyay goobaha caafimaadka ee Degmadaasi.

Qaraxa ka dib, ayaa waxaa ku baxay Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Saldhiga Dhexe ee Degmada Beled Xaawo, waxaana soconaayo dadaalo lagu baadi goobaayo dembiile-yaashii qaraxa geystay.

Taliyaha Booliska ee Degmada Beled Xaawo Cismaan Koofi, ayaa waxa uu xaqiijyay inay weli ku daba jooggaan kuwii dhibaatada ka geystay Beled Xaawo, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Koofi oo u waramay Idaacada Barkulan ee Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale sheegay in labada qof ee dhaawacantay la dhigay Isbitaalka Khaliil ee Degmada Beled Xaawo.

Beled Xaawo waxaa ku soo noq noqday qaraxyada lagu weeraraayo maqaaxiyadaha shaaha laga cabo, iyadoo ujeedaduna lagu sheegay mid loogu dan lee yahay askarta fariisata.

Salaanmedia/Mogdisho