Qurbejooga Somaliland ee Ka Soo Jeeda Deegaanada Shidaalka Laga Baadhayo Oo Guud ahaanba Gaashaanka U Daruuray Mashruuca iyo Hanaanka Ciidamada Ay Xukumada Siilaanyo U Samaynayso.

Qurbejooga Somaliland ee Ka Soo Jeeda Deegaanada Shidaalka Laga Baadhayo Oo Guud ahaanba Gaashaanka U Daruuray Mashruuca iyo Hanaanka Ciidamada Ay Xukumada Siilaanyo U Samaynayso.

SL%20Map

(Salaanmedia.com) Qurbejooga Somaliland ee Ka Soo Jeeda Deegaanada Shidaalka Laga Baadhayo Oo Guud ahaanba Gaashaanka U Daruuray Mashruuca iyo Ciidamada Ay Xukumada Siilaanyo U Samaynayso.

‘Haddii aanu nahay Reer-Yoonis si buuxda ayaan uga hortageynaa ficilka ay wataan xubno huwan shaad dawladeed ee duulaanka ah doonayana in xoog la nagu muquumiyo”

Waxa habeenkii xalay khadka telefoonka isku xidhay qurbejoog iyo dal-jooga aad u badan oo si weyn u naaqishay xaalada abuurka ciidamo ay xukumada Siilaanyo ku sheegtay in loo diyaarinayo ilaalinta goobaha shidaalka laga baadhayo gobolada Bari ee Somaliland. Kulanka khadka telefoonka oo socday in ka badan 4 saacadood oo ay si weyn u naaqisheen xaaladaha ku gadaaman arinka shidaal baadhista, bixinta mashaariicaha iyo ujeedada laga lee yahay, iyo waliba habka loo maamulayo guud

ahaanba sharciyada shidaal baadhista ayaa waxa ay qurbejooga iyo daljooga deegaamada shidaalka laga baadhayo ee u badan gobolka Saraar ay isku raaceen in gaashaanka loo daruuro xukumada Siilaanyo waxa ay wadato oo ay ku sheegeen aan ahayn wax si xalaal iyo wadaniyadi ku jirin, balse dano gaar ah iyo waliba naas-nuujin koox gooni ah wadato, iyadoo halis weynina ku jirto guud ahaanba arinka.

Kulankan oo khadka la iskaga soo xidhay habka loo yaqaan ‘Tele-conference’ oo Hadhwanaagnews.com u suurto gashay in ay si weyn ula socoto hadalada iyo go’aamada qurbejooga ‘Reer-Yoonis’ oo deegaankooda loo samaynayo ciidama iyo baadhista shidaalkaba, waxa ay si weyn iskugu raaceen in ay halisi kaga soo food leedahay arinkan ay wataan xubno sida ay sheegeen ” ku mobay boobka boobka qaranka hab wax-muquumineed oo aya adeegsanayaan”

“Waxa aanu isku raacanay in aanu si kasta kaga hortano arinkan ay wataan wasiiro ismooyada in ay na muquumin karanaa” sidaa waxa Hadhwanaagnews u sheegay xubin ka mid ah gudi loo saaray in ay shir weyn ka yeeshaan ka beel ahaan beesha Reer-Yoonis arinkan, shirkaas oo lagu qabanayo magaalada London, isla markaana ay iskaga kala imanayaan qurbejooga Yurub ku sugan , kuwaas oo loo igmaday in ay dhaqaajinaay ololaha laga hortagayo mashruucan sida awood sheegashada ah lagu wado. Kulankan ayaa sidoo kale ay sheegeen in ka dib ay qaban doonaan shir-jaraa’id ay saxaafada ugu faahfaahiyaan talaabada ay qaadayaan iyo iyagoo digniin uga diri doona madaxweyne Siilaanyo oo ay ku eedeeyeen “…..in aanu ahayn masuul wadanka isagu maamulo, arimahan noocan ahna ay yihiin kuwa ay ka fushanayaan xubno wasiiro ah oo uu si dheeraada u aaminsan yahay, balse aan madaxweyne Siilaanyo ogayn halka ay u hodayaan…”

Kulanka ay yeesheen qurbejooga iyo dal jooga aqoon yahanada iyo waxgaradka beesha Reer-Yoonis, waxa sidoo kale ku weheliyey madax-dhaqameedyo sidoo kale khadka telefoonka soo galay iyagoo ku sugan gobolka Saraar, kuwaas oo sheegay in xumuda Siilaanyo wasiiradeedu arinkan Shidaalka wataa ay siiyeen warar khaldan, isla markaana balan qaado la yeesheen, hase ahaatee waxa ay sheegeen in ay iyaguna dhankooda gaashaanka ugu daruuridoonaan, si weyna uga soo horjeedsan doonaan in wax shirkad ahi timaad deegaankooda, haddii ay kaliftana ay iska difaaci-doonaan.

Dhanka kale wasiirka ciyaarah iyo dhalinyarada iyo xubno kale oo aad ugu dhadhow wasiirka macdanta, ka madaxtooyada ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey aan fadhiisan, waxa ayna telefoono ku soo waaleen qurbejooga shirka weyn ka yeeshay arinkan qaar ka mid ah, iyagoo isku dayey in ay arinka ka dhigaan mid la dhamayn karo marka arinkana laga eego danta beesha guud ee Habar Jeclo, hase ahaatee taa waxa Hadhwaanaagnews loo xaqiijiyey in waxgaradka qurbejooga iyo daljooga ka soo jeedaa deegaamada ay doonayaan xubno wasiro ah in ay shidaal soo saaris ka sameeyaan iyagoo adeegsanaya ciidamo ay ku muquumiyaan dadka deegaanka haddii ay ka horyimaadaan.

Sidoo kale shirka qurbejooga iyo daljooga ee beesha Reer- Yoonis, waxa ay isku raaceen in qoraalo loo kala diro dhamaan cidii aya khusayso arinkan, sida shirkada la sheegay in ay shidaalka ka baadhayaan iyo sidoo kale shirkada sida gacan-dambeedka loo siiyey qandaraashka tobobarada ciidamo la sheegayn in ay ilaalinayaan shiradaha baadhaya shidaalka oo la yidhaa Saladin Security LTD, oo aan ahayn shirkad sidaa u weyn marka loo eego shirkadaha tobobara cidamada khaaska ah ee ilaaliyaha goobaha xasaasiga ah, marka loo bar bar dhigo shirkada 4R Incoperation oo ah shirkad aad u weyn saamayn weyna ku leh Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka maraykanka. shirkan 4R oo iyadu hadda wada dacwad ka dhan ah sida loo bixiyey qandaraaskaoo ay ku sheegeen hab muqmaaqus oo aanay wigood arag.

Arinka qurbejooga deegaamada shidaalka laga baadhayo iyo damcan daljooga shirka ku yeeshay khadka telefoonka ayaa ay keentay dareeno xoogan oo laga qabo abuurista ciidamada cusub oo aan ahayn kuwo sifo shari ah dalka looga samaynayo, isla markaana aan hoos imanayn labada taliye ciidan ee ka bilayska iyo ka ciidama milatariga, balse ciidamadan la sheegay in ay hoos imandoonan wasiirka arimaha dibada oo isagu joobeka ugu jira xubnaha wasiirada wata mashruucan ah hore-u-taajirka iyo burburinta deegaamda shidaalka laga helay iyagoo aan wax mag-dhow iyo maal u celin midna laga siin, isla markaana aan laga talo galin.

Dhanka kale warar rasmi ah ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in shirkada Saladin oo sida ay website keeda ku sheegtay xarun ku leh magaalada Muqdisho in sinta mashriica tobob barista ciidamada cusub ee OPU ay gacan weyn ku leedahay dawlada Muqdisho, iyadoo xidhiidh dhow ka dhaxeeyo wasiirka Arimaha Dibada ee Somalia oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo wasiirada wata mashruucan shidaal baadhista oo uu ugu horeeyo wasiirka macdanta iyo ka madaxtooyada Somaliland.

La soco Hadhwanaagnews oo arinka ka gungaadhaysa, isla markaaana warbixino idiinka diyaarisay shirkada Saladin Security ltd ee uu maanta shaaciyey gudoomiyaha qandaraasyada Somaliland oo ah mid isaga loo yeedhiyey in uu sheego cida heshay balse aan wax talo iyo go’aan buuran ku lahayn bixinta mashruucan shidaal baadhista oo u muuqda mid halis ku ah Somaliland marka loo eego qaabka loo wado oo ka fog hanaan xalaal iyo xisaabtan dhab ah oo Somaliland loogu danaynayo.