Akhriso Khudbadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Ujeediyey Ardayada Qalinjabinta Jaamacada Hargeysa +Daawo Sawiro

image

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlaynawaxa uu hadalkiisa ku bilaabay Sidan:-

 

Bismilaahi Raxmaani Raxmiim …………….Alxamdu-lilaah………………………

 

Xubnaha Golayaasha, Gudoomiyayaasha Xisbiyada, Maamulka Jaamacadda, Macalimiinta, Ardayda iyo Dad-weynaha xafladdan ka soo qayb-galay, waxaan idiin soo gudbinayaa salaam qiimo badan

 

———-Asalaamu Calaykum Waraxmatullaah———–

 

Ugu Horreyn waxaan halkan bogaadin uga soojeedinayaa Ardayda qalin-jebisay, macalimiinta iyo maamulka ku soo tabcay, waxaanan idinku hambalyeynayaa guusha aad gaadheen.

 

Waxbarashadu waafuraha nolosha, waa halbawlaha horumarka, waana hagaha mustaqbalka. Waxaanay umaduhu u kala horeeyaan, sida ay u kala aqoon iyo farsamo badan yihiin.

 

Sanadkan waxaan qalin-jebintooda ka qaybgalay in ka badan 4,000 oo arday welina way socdaan, taasi waxay daliil u tahay kobaca aqooneed iyo kaalinta ay dhalinyaradu ku leeyihiin Bulshada oo aad u saraysa, waxaa lagu qiyaasaa da’yarta Somaliland inay ka badan yihiin %60, taas oo muujinaysa in dalkani uu leeyahay mustaqbal fiican.

 

Waxa hubaal ah in dhalinyaradu u baahan yihiin shaqooyin iyo nolol fiican, balse waxa lagu gaadhi karaa dedaalka iyo barashada cilmiga oo aan laga hadhin, sabir iyo is-kaashi waxaanan ku kalsoonahay in dadka reer Somaliland leeyahay hal-abuur iyo himilo fiican oo ay ku gaadhaan horumar.

 

Dhalinyarooy dedaala oo Dalka illaashada una sabra waxaad gaadhi doontaan maalin aad aragtaan dunida oo inoo soo shaqo-doonatay inshaallaahu.

 

Waxaan jecelahay in aan kelmad ka idhaahdo Madaxweynaha Somalia iyo dawladiisa oo weli ku-naaloonaya midnimo, dunidana u tebinayey war khaldan iyo riyo aan waxba ka jirin.

 

Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madax-banaan, dadkiisuna way tashadeen waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda % 97 ku-meel-mariyey dastuurka JSL iyo jiritaankooda.

 

Midnimadii Somalia waatii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta, oo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, badiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wadahadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadalada si aynu u kala baxno.

 

Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu.

 

Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay is-ku-duubnaadaan, Dalka illaashadaan meelna uga soo wada jeedaan cadawgooda.