Aqoonyahanka, iyo Waxgaradka Somaliland hormood ha ka noqdeen Isbedel ka dhaca Somaliland 2015.

Aqoonyahanka, iyo Waxgaradka Somaliland hormood ha ka noqdeen Isbedel ka dhaca Somaliland 2015.

maqaal

Marka ugu horeysa waxa salamaya ummada Somaliland guddo iyo dibedda Aslamu calaykum warxamatullahi wabarakaatuh.
inta ka dib, Wadan kasta waxa udub dhexaad u ah  aqoonyahankiisa, dhalinyaradiisa iyo waxgaradkiisa, waana lafta dhabarta wadan kasta ee qaabeeya hanaanka dawladooda iyo hilinka toosan iyo hiigsiga fog ee himilada Ummadooda. Waa bahada masuulka ka ah horumarka ay ummadi gaadho ee looga fadhiyo in ay hagaan bulshadooda. 
Haddba, Somaliland ayaa ilaahay SCW wuxuu ku manaystay jiilal badan oo aqoonyahano dhalinyaro ah oo maalin kasta ka soo baxaya jamacadaha wadanka, kuwaas oo maanta la odhan karo waa 60% bulshada somaliland. Haddba, waxa ay dhamaan aqoonyahankaasi iyo dhalinyaradaasi ay ka siman yihiin in ay helaan nolol wacan iyo mustqabal fiican, si haddba taas loo helo waa in ay qeyb weyn ku yeeshan talada iyo tusaaleynta iyo qaabeynta nooca dawladnimo ee ay rabaan ee gaadhsiin karta himiladaas ay u dabran yihiin. 
Runtii, hogaaminta dalku waxay door aasaasi ah ka ciyaartaa hor u kaca bulshada,waxaan odhan karaa in mar kasta talada dalka ay gacanta u gasho dad aqoon ahaan iyo karti ahaanba hooseeya waa iyada oo aqoonyahanka somaliland ay dib u fadhiisteen ayna u arkinba in ay saameyn taban ku leedahay siyaasadaha qalafsan ee ka soo burqanaya maskaxooyin gaboobay ee hagaya golayaasha Qaran ee kale duwan sida fulinta , guurtida iyo sharci dejinta oo ay ahayd in ay talax gabaan muddo hore oo ay fadhiga ku qaatan bisilkooda.
Akhristow, Dunida horumartay meel na ku arki maysid 80 jir iyo boqol jir weli siyaasada odorasaya balse waxaa aad arkaysa in jiil cusub ay hogaanka u hayaan wadamada horumaray oo la jaan qaadi kara waayaha cusub ee ummadu la kowstay.
Waxa hubaal ah in Xukumada Silaanyo ay kalsoonida dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada somaliland ay lumisay ayna  aad u saluugsan yihiin sida ay u dar jiidhay dhinac kasta ayna waajib tahay in la is dhaafiyo doorashada soo fool leh.
Haddba, iyada oo doorashooyinkii Golaha Sharci dejinta iyo Madaxtooyada Somaliland ay fooda inagu soo hayaan badhtamaha sanadka 2015 inshaa allah ayaa waxa daruuri ah in aqoonyahanka iyo dhalinyarada somaliland oo kaashanaya waxgaradka ay isu qaabeeyan sidii ay saameyn balaadhan ugu yeelan lahaayeen isbedel gun iyo baar ah oo dalka ka dhaca, taas oo ay hormood u noqdaan dhalinyaradu si loo helo baahiyaha faraha badan ee maskaxdooda ka guuxaya ee ay ka mid yihiin:
1. Sareynta sharciga dalka u yaal oo qof kasta u siman yahay
2. Shaqo Abuur hor leh  
3. Cadaalad Iyo Garsoor Xaq ah
4. Ilaalinta Hantida Dadweynaha
4. Xaqdhawrida xaquuqada muwaadinka iyo xoriyada madaxbanaanida saxaafada.
6. Wanaajinta adeegyada aasaasiga ah ee bulsho sida waxbarasho, caafimaad, iyo kaabayaasha dhaqaalaha min heer tuulo, degmo iyo gobol intaba.

Waxa kale oo biyo kama dhib caan ah in aqoonyahanka iyo dhalinyarada Somaliland Saameyn xoogan ku yeeshan Siyaasiyiinta Axsaabta  ee u Ordaya kursiga ugu sareeya dalka siiba Madaxtooyada oo ay imikaba meel ku sii ogaadan waxa ay ugu bedelayaan codkooda oo damaanad ah in aanu qaadin jidkii kuwii ka horeeyey qaadeen oo ah in talo maroorsi, ku tumashada xuquuqada muwaadinka iyo xoriyada hadalka, Xatooyada hantida Ummada ka dhexeysa iyo Ku tagrifalka Awooda Dawlada ee Bulshadu u doortay muddo cayiman.
Guntii iyo Gebogabadii, Waxaan ku boorinaya in ay aqoonyahanka iyo dhalinyarada Somaliland aanay talo iyo tusaaleba gacamaha ka laaban waajibka ka saaran dalkooda iyo dadkooda, Sidoo kale, waxaan hambalyaynaya dhalinyarada isu abaabulay in ay cabiraan dareenadooda diidmo ee ay ka qabaan Xukumada Silaanyo sida ay wax u wado ee ay ugu horeeyan Dhalinyarada Jiidali iyo Daallo, inkasta oo aan ka jecelahay in ay isu abaabulan hab ururo dhalinyaro oo cod u noqon kara dareenada mideysan ee dhalinyarada bari ilaa galbeedka Somaliland ee diidan jidka khariban ee ay xukumada Silaanyo dalkeena afka u saartay.

Allah Mahad leh
Said A Dualeh
Bristol
, Uk.