Real Madrid, PSG Iyo Man City Oo Ku Soo Laabtay Doonista Paul Pogba.

Real Madrid, PSG Iyo Man City Oo Ku Soo Laabtay Doonista Paul Pogba.

MADRID 11

Kooxaha suuqa ku bixiya dhaqaalaha badan ee Real Madrid, PSG iyo Man City ayaa mar kale u soo jeestay inay ku dagaalamaan saxiixa 21 jirka kooxda Juventus.
Tutto Sport ayaa shaacisay in kooxda Real Madrid ay u dhaqaaqi doonto saxiixa Paul Pogba suuqa kala iibsga ee xaggaaga waxayna doonayaan laacib u buuxin kara booskii uu baneeyay Alonso.
Man City iyo PSG ayaa dhankooda doonaya inay kula dagaalamaan kooxda ree Spain saxiixa Paul Pogba kaas oo loo arko inuu yahay laacib mustaqbal fiican ku leh kubada cagta, gaar ahaan kooxda City ayaa doonaysa inay ku buuxiso booska lafilayo inuu baneeyo Yaya Toure dhamaadka xiliciyaareed kan.
Lakiin maamulka kooxda Juventus ayaa doonaya inay sii haystaan laacib kaan reeFrance waxaana horay loo shaaciyay in laacib kaan uu kala heshiiyay maamulka kooxdiisa inuu u saxiixo heshiis uu waqti dheer ku sii joogi doono Juventus.