Maxaa Ka Jira In Arsenal Ay Ka Diiday Bayern Munich Inay Ka Iibiso Ozil?.

Maxaa Ka Jira In Arsenal Ay Ka Diiday Bayern Munich Inay Ka Iibiso Ozil?.

AARSINALL

Waxaa la hadal hayay xiliciyaareed kii hore in kooxda Bayern Munich ay dalab ka gudbin doonto Mesut Ozil lakiin waxaa la ogaaday xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta warkaas.
El Confidencial ayaa shaacisay maanta in kooxda Bayern Munich ay dalab rasmi ah hor dhigtay kooxda Arsenal suuqii kala iibsiga ee xaggaaga lakiin kooxda ree ingiriis ayaa soo diiday dalabka Bayern.
Bayern ayaa isku dayday inay ku qanciso Fabregas inuu ku biiro iyaga lakiin laacibChelsea ayaa u sheegay inuu dib ugu laaban doono Arsenal taas oo keentay in Bayern ay dalab ka gudbiso Ozil maadama ay filayeen in Fabregas uu dib ugu laaban doono Arsenal.
Arsenal ayaa u sheegtay Bayern Munich in kooxdu aysan doonayn inay iska iibiso Ozil waxayna intaa ugu dareen in Fabregas uusan ku jirin ajandaha kooxda ee suuqii xaggaaga.