Di Maria Oo Fashilay Sir Isag Aiyo C.Ronaldo Ka Dhexeysay

Di Maria Oo Fashilay Sir Isag Aiyo C.Ronaldo Ka Dhexeysay

thumb

Ciyaaryahanka kooxda Manchester United Angel Di Maria , ayaa fashilayey sir isaga iyo Cristiano Ronaldo, u dhexeeysay, sirtan ayaana ah sheeko dhexmartay labadooda markii ay wada joogeen kooxda Real Madrid.
Angel Di Maria ayaa sheekadan sirta ah ee dhexmartay isaga oo C.Ronaldo, waxa ay ku saabsan tahay Manchester United, waxaanu Di Maria xusay in C.Ronaldo uu aad ugu amaanay kooxda Manchester United, markii ay Real Madrid wada joogeen, waxaanu yidhi “Anigu intii aanan iman Manchester United wax badan ayaan ka sii ogaa, waxaana Cristaino Ronaldo ii sii sheegayinay tahay koox aad u fiican,aadna waan ugu faraxsan ahay kooxdan, waana ogaa wakhtiyuun in aan imamayo, Cristiano Ronaldo ayaana igula taliyey inaan tago”.
Di Maria oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Marka aad xidhato Garanka iyo Lamberka ay hore u xidhan jireen David Beckham iyo Cristiano Ronaldo, farxad ayey ku tahay, aniga waan ku faraxsan ahay, xaqiiqdiina kooxdu waxa ay ii doortay Lamberkii aah doonayey oo ah Lamber 7, oo kalsooni badan I siiyey”.