Ictiraafka Somaliland waa sir oo Silaanyo wuu keeni kari waayey ee siyaasiga A/rahman Ciro uun baa soo heli kara by Abdi Mustafe

Silaanyo oo ministerka qorsheynta ahaan jiray wuu garan waayey dhinaca ictiraafku ka xigo dabeedna faraha ayuu ka qaaday oo isaga iyo qoys kiisu sidii ay dhaqaale badan u lunsan la haayeen bay ku foofeen.
MAQAAL
Mohamed Biixi oo wasiirka arimaha dibada ihina mudo sanad iyo dheeraad ah wax uu ku soo kordhiyey wasaaradiisa lama hayo oo meel uu uugu hagaago ictiraafna garan maayo oo asqo ayuu ku jiraa. Mohamed Biixi wuxuu khabiir ku yahay hawlo kale oo uu ka mid yihiin, musuq- maasuqa iyo qaraaba kiil ka iyo faan iyo fatoosh aannu meelna uuga dhalan. iyadoo weliba la wada ogyey in African Development Bank lagaga eryey musuq-maasuq uu faraha kala bixi waayey. Hadaba ictiraafku wuxuu ku jiraa laba dhagax dhexdood oo laguma helo hawl yari oo dariiqyo gaara oo diplomaciyadeed baa lagu helaa. Ictiraafka sida loo helaa ma sahlana waa sir nin siyaasi ah mooyaane aan cid kale soo heli karin. Hadaan la is xistiya heyn waxa sanqadha icriraafku dhinaca uu inaga xigo maqli kara oo garan kara oo arki kara oo keeni kara Siyaasiga A/rahman Ciro oo ku soo dhex jiray siyaasada noloshiisa oo dhan. Dowlado fara badan ayaa la jecel xukunka in A/rahman Ciro qabto iyagoo og in uu yahay shakhsi lala shaqeyn karo oo garan kara sida dalalka aduunka loola macaamilo. Xukuumada Silaanyo oo soo xulatay dadkii uugu aqoonta yaraa oon weligood xafiisyo ka soo shaqeyn oon siyaasad wadan lagu maamulo wax ka aqoon yaan laga filan inay ictiraaf raadiso. Waagi London xildhibaanada deegaanadu ogolaadeen in ay parlamanka ingiriiska kala hadlaan sidii loo ictiraafi lahaa Somaliland waxa hubaal ah in Silaanyo iyo guulwada yaashiisu ka soo hor jeesteen oo ay ku taliyeen in aan xafladaha laga qeyb gelin.
Markii Silaanyo mucaaradka ahaana muu jeclaan jirin in dalka la ictiraafo Riyaale oo ka taliya. Somaliland hadey nasiib leeday waa hadii A/rahman Ciro kursiga ku guuleystaa 2015 waayo isagu wax walba wuxuu ka door bidi doonaa sidii dalkan loogu heli lahaa ictiraaf oo xukuumada Silaanyo ka gaabisay markay garan weydey meel laga keeno. Xukuumada Silaanyo waxay ku mash quushey TV ga qaranka yaan laga faafin safarada mucaaradka iyo wax la mida oo aad u hooseeya. Xukuumadu dadka reer Somaliland waxay uula dhaqantaa sidii faqashtu uula dhaqmi jirtay oo waa maqasheen waxa uu ku hataataco Cali Warancade oo weli moodaya in dalka lagu maamulo xeerkii kacaanka.
Abdi Mustafe
 abdi_mustafe123@yahoo.com