Xeerkii La Soo Gudbiyay Iyo Warqadii Lagu Soo Gudbiyay Ayaa Khilaaf Nooga Muuqday”

Xeerkii La Soo Gudbiyay Iyo Warqadii Lagu Soo Gudbiyay Ayaa Khilaaf Nooga Muuqday”

Guurti-chair-Suleiman-Aden-

Hargeysa, (salaanmedia.com)-Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay Xeerka Diiwaan-gelinta Madaniga ah ee ay hor joogsateen Mudanayaasha Aqalka Guurtida.
Gudoomiye Saleebaan oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, wuxuu shaaca ka qaaday in aanay is waafaqsanayn Xeerka Diiwaan-gelinta ee ay Ansixiyeen Xildhibaanada Gollaha Wakiillada iyo kan loo soo gudbiyay Gollaha Guurtida.
Guddoomiye Saleebaan oo arrintaan ka hadlaya ayaa yidhi “Xeerkii la soo gudbiyay iyo warqadii la soo gudbiyay ayaa khilaaf nooga muuqday, dabadeedna Shirguddoonka Gollaha Wakiillada ayaanu ku celinay oo waxaanu ku nidhi labada isa soo waafajiya, anigana halkaas ayaa iigu danbaysay, waxaana la leeyahay warqad ayaa soo noqotay walina maan arag.”
Sidoo kale waxa uu si kooban uga hadlay kulan ay wada qaateen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada waxaanu yidhi “Gudoomiye cirro waxaanu ka wada hadalnay wanaag iyo wixii laba Guddoomiye Baarlamaan ka wada hadli jireen, xeerkuna labada golle wuu u kala gudbaa, haddii ay ku qanci waayaan wixii aanu nidhi, iyaga ayay u banaan tahay inay go’aan danbe ka gaadhaan halkaana u dhaafi maayo”
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale meesha ka saaray sababta ay xeerkan u celiyeen ay la xidhiidho inay muddo kordhin u sameeyaan Xukuumadda “Annaga sharci qaran oo wax lagu wanaajinayo dib u dhigiisu nama qabato, annagu waxaanu is nidhaahnaa wax wanaajiya, walina waxaanu qabnaa inaanu wax wanaajinayno, Gollaha kale ayaanu ka sugaynaaye aanu aragno, haddii aynu doorasho galayno diwaan-gelintu xaq weeyaan ee aynu is diwaan gelino.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleeban