Caqliga Geli-mayso Xisbi Shirkiisii Golaha Dhexe Qabsan-kariwaayay, Ayaa Aayaha Somaliland Ka Talinaya

Caqliga Geli-mayso Xisbi Shirkiisii Golaha Dhexe Qabsan-kariwaayay, Ayaa Aayaha Somaliland Ka Talinaya

Daawo Muuqaal:-Sababihii Lagu Yiqiin Doorashada Lama Hayo,Musharaxnimada Xisbiga Kulmiyena Cidii Noqon Lahayd Wali Macada.Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay inaanay caqli gal ahayn in ayaaha Somaliland uu ka taliyo Xisbiga Kulmiye oo ilaa hadda qabsan kari la shirweynaha Golihiisa dhexe. Waxa uu sheegay in Xisbiga ilaa hadda aanay caddayn cida Musharax u ah.
Mujaahid Boobe Waxa kale oo uu sheegay in Gudoomiyayaasha Saddexda Xisbi aanay wax go’aan ah la soo gaadhi Karin qaadhaan bixiyeyaasha Nairobi ay kula kulmayaan “Wixii ay Hargeysa ku wada gorfeeyeen ee Doorashada ku saabsanaa haddii ay fuli waayeen,maanta oo Xukumaddu ka maqan tahay oo Saddexda Gudoomiye ee Xisbiyadu is raaceen Maxaa go’aan ah ee ay la soo gaadhi karaan Nimankaas Doorashooyinka Somaliland ka taageera? Xaqiiqadu waxay tahay inaanay waxba la soo gaadhi Karin.” Ayuu yidhi Boobe.
Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii Xalka Arimaha Somaliland shisheeye laga doono Xumo laga dhaxli doono “Waxaa Ayaan daro ah Somaliland oo Aduunyadu ku taqaanay Wada hadal, isku tanaasul, heshiisiin iyo arimahooda oo ay maamushaan oo cidi dibada uga iman oo aan Shir dibadda loogu qaban, in Maanta Nairobi looga yeedhay oo la leeyahay halkaas baa la idinku guubaabinayaa sidii aad doorashooyinkiina u qaban lahaydeen, haddii taasi inagu sii socotana dalkan meel fog baa looga yeedhi” ayuu yidhi Boobe
“Xisbiga Kulmiye Shirweyne ayuu dirqi iyo tu fool adag ku qabsaday, laba meelood baa la kala fadhiyay, laba Liis oo Golaha dhexe ah baa la qorayay, laba liis oo guddida fulinta ah baa la qorayay, dabadeedna waxay yidhaahdeen waanu heshiinay oo sheekadii way iska dhamaatay. Xeerka Kulmiye Qodobka 30-aad farqadiisa 2-aad waxay dhigaysaa Shiweynuhu markuu dhamaado Bil ka dib in Shirka Golaha dhexe la qabto.
Xisbiga tahli waayay ee qabsan kari waayay Shirkiisii Golaha dhexe, ayaa Aayaha Somaliland ka talinayaa mid caqliga galaysa maaha.Waddanka waa lawada joogaa beena la isku maaweelin maayo.Dalkan waxaa ka taliya Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Madaxtooyada Fadhida laakiin Xisbi ka taliyaa ma jiro waana waayo aragnimo hor leh oo cusub” ayuu yidhi Mr Boobe