Isku Filaansho Xagga Cuntada Ah!!!! Waxa Qortay: Nuura X. Cali Yuusuf

Isku Filaansho Xagga Cuntada Ah!!!! Waxa Qortay: Nuura X. Cali Yuusuf

NuuraaAlaxamdulilah Ilaahay ayaa mahad dhamanteed iska leh ii suurtogaliyey in aan qoro maqaalkan yare ee kooban. Maqaalkan waa kii igu horeeyye ee aan qoro wana ku hanwaynahay in aan qoro intaa iyo inka badan insh Allah.

Maxaan uga baahanahy maceeshad dibad laga Keenayo, waayo waddankeenu waa hoddan waxkasta wan beerankarnaa, waanan ka maarmikarnaa maceeshadaa wadamada kale waxan beeranaynaa cuntokasta oo ka bixikara wadankeen hadab maxay ganacsatadee ku falayan waxay dibad ka soo tajinayan gacansatadeenu hadba maxay u samayn waayeen beero wawayn oy waxkasta ku beeran si looga maarmo waxay dibad ka soo dajinayan intay wadamad leh warshad ay u taga ayey ka soo iibsanlahayen mishiinada lagu sameeyo baastada oo tayo leh ayey wadanka warshado waawayn ka sameeyaan hadab wxaa inalag gudboon in aan ka maarano maceeshad wadabad kale laga keenayo maah uun in aan aqoonsi raadino lakiin wa in aan inagu is aqoonsanaa isna soo saarnaa oon wax muuqankara soo saarnaa oon u iibgayno wadamada kale.

Taywaan waa waddan aan la aqoonsanayn, laakiin waa waddan wax soo saar leh, haddad dib u eegto bushaarooyinka Hargeysa ku yaala waxa lagu iibiyo waxay soo saarto Taywaan oo aan la aqoonsanayn iyo waddamo kale weeye, haddaba waddan wuxuu horumar ku gaadha kolba intii wax-soo-saarkiisu yahay.

Beeralaydeena
Markaad dib u eegto beeralaydeen sanadkasta markuu dalagu soo go wa la niyad jabiyaa waayo wxay haayada World food program (WFP) waxay keentaa raajin mucaawimo iskugu jira galay , qabadin iyo saliid taasi oo jabisa dalageenii soo go ayey se mxy inoo caawin wayen markuunan dalagu soo go in sow tasi mah niyad jab oo waxay leeyihiin dan tasi oo ah in aanay dib loo beeran oon iyaga uun sugno ayya doonayan lakiin sugi mayno waynu beeran iyguna yanay waxba inoo keenin, waa inynu beerno beeraheena, waa in aynu ku dhiirranaynaa wax-soo-saarkeena
Waxaa iga talo iyo tusaale ah I ay ganacsatadeenu joojiyan meceeshad ay ka keenayan wadamad kale waxkasat oo maceeshad ah wuu soo saaraya wadakeen aan beerano oon warshado samaysano

Hadaan Ka Eego Halka Nadaafada

Markaa dib u eegno hotelad lagu iibiyo cuntada wadaniga ah way liidataa nadaafadoodu oo maah meel nadaafad fiicna leh lkn hotelad lagu iibiyo cuntooyinka kale aad ayey u fiicantahay nadaafadoodu hadaba mxaa sobobay in ay xumaato nadaafadoodu mxy u samay waayeen meel fiican oo leh nadaafad wanagsan waa in ay ku dadaalan nadaafad waa iga talo soo jeedin.

Haddaan Eego Dhinac Dhallinyaradeena iyo Siday wax u bartan

Wakhti xaadirkan cilmigii wuxuu noqday business ama gacansi oo arday kastaaba wuxuu eegayaa keebaa shaqo lagu helayaa uma baranayo cilmi ahaan lakiin wuxuu u baranayaa keebad shaqo ku helaysaa. Taasi Waa dhibaato Waa in u ardaygu u bartaa cilmi ahaan waan dhaliil aan u soo jeedinayo ardayda. Runtii arday kastiiba wuxuu jecelyhy in uu shaqo hale markuu dhameeyo jaamacad lakiin sided shaqo ku—- helaysaa ma is waydiisen wali.

Waa in tihiin dad wax soo saarikara adigu wax abuur oo ku soo kordhi bulshadaad wax cusub kana shaqaysii masgaxdaada lakiin hadaad sugto uun inaad u shaqo tagto xafiis taasi wakhtigaa kaga dhacay oo wad ku habsaami waxna samayn maysid . Dadkoo dhani haday sugan uun xafiis dee ma wado helayaa Waa in ay ardaydu is qaybiyan qaar soo saran wax bulshad muhiim u ah qaarna ay xafisyad ka shaqeeyan tasi aya lagu helayaa shaqo dhalinyarad waxan leeyhay wadankiina aamina yurub waxba ma yaalane wadankeenu Waa hodan waanu inoo baahanyahay.

Dowlada Somaliland Ha dhiirrigaliso beeralayda: Waxaan dawlad u so jeedinayaa hal mid Waa in ay dhiiri gali beeralayda iyo in ay soo saarto barnaamiirijyo lagu dhiirigalinaayo beeralayda hadii ay noqoto mid maaliyadeed oo ah in ay iyadu ka iibsato iyo in ay ka joojiso raashinka ay WFP du caawinta ku sheegkyso ee xiliga raashinku umada u oo baxa ay keenayaan.

Allah Mahad leh
WQ: Nuura Haji Ali Yousuf