Al-shabaab oo xukun dhagax dil ah ku fulisay wiil 18 jir ah oo lagu eedeeyey inuu kufsaday haweeney

untitled

Xarakada Al-shabaab ayaa xukun dhagax dil ah (Rajmin) ku fulisay wiil(Inan) 18 sano jir ah, waxaana fulinta xukunkan uu ka dhacay degaan aan la sheegin oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Xasan Axmed Cali oo 18 jir ah ayaa kufsaday gabadh lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud oo iyana 28 jir ah isagoo adeegsanaya qori caaraddiis.

Maxkamada Al-shabaab ayaa sheegtay in Xasan Axmed uu maxkamadda ka hor qiray dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu kufsi geystay isagoo reer leh, waxaana lagu xukumay in dhagax lagu dilo kaasoo lagu fuliyey.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in xukunkan loo cuskaday shareecada Islaamka, waxayna xuseen in qof kasta oo ku kaca kufsi haddii uu horey u soo guursaday ama xaas leeyahay ay ku dili doonaan dhagax, hadii uusan horey u soo guursana lagu dhifanayo 100 jeedal oo karbaash xad ah.

Salaanmedia/Moqdisho