Ethiopia waxay Cali Khaliif ka qeyb gelisay shir goboleed iyada oo siyaasada xun ee Silaanyo diidan awdal na wey guuxeysaa by Abdi Mustafe

MAQAAL
Ethiopia markay la-jaan qaadi kari weydey siyaasad xumida Silaanyo iyo kooxda wasiirada ah ee xag jirka ah waxay door bidey inay Cali Khaliif ku casuunto shir goboleed Addis lagu qabanayo. Ethiopia waxay doontay in wasiiro xag jir ah uu Silaanyo xukuumadiisa ka saaro isna wuu ka dhega adeygay, dabeedna waa kuwaa Khaatumo kor u soo qaadaya. Silaanyo wuu ku fashilmay Somaliland in uu mideeyo oo waataa maantaba khaatumo looga yeedhey Addis. Ka sii darane hadii doorasho dhici weydo 2015 oo Suleiman gaal is yidhaa inaadeerkaa mudada u kordhi waxa rumoobi hadalkii madaxweynaha koonfurta ee uu yidhi 2016 doorasho ayaan ka qabanayaa Somalia min Saylac ilaa raas kaambooni. Kol hadii Ethiopia ba aqbashay Cali Khaliif wax lagu rumeysan waayaa ma muuqato in doorashada 2016 ay Somalia iyo Somaliland ba ka qabsoonto. Silaanyo haduu doorasho qaban waayo 2015 waxay la mid noqonaysaa inqilaabkii 1969. Hadii Dictator danbe shicibku yeelayaan maxaa Siyaad Barre loola dagaala maayey. Silaanyo oo mudo danbe Somaliland sii xukuma waxay meel ka dhac ku tahay ummada oo intii uu xilka hayey wadanku faraha ayuu ka baxay. Ethiopia iyo Jabouti oo Somaliland xidhiidh fiican la lahaan jirey maanta lama laha sababa la xidhiidha siyaasad xumida Silaanyo awgeed. Shicibku ha baraarugu oo Silaanyo ha la iska rido hadii kale Somaliland waxa ka mid noqon Somalia oon been ahayn. Silaanyo iyo qoys kiisu waa balaayo Somaliland bur-burinteeda loo soo diray.Silaanyo wuu haleeyey khaatumo oo waxa laga baqayaa in Awdal na hawada ka baxdo. Denbigaa Silaanyo ayaa iska le hadii aqalka loogu dhacayo iyo hadii suuqa la jiid jiidayba. Cali Khaliif oo diyaarad ka raacay Buhoodle oo lagu marti qaaday shir goboleed Addis ka qabsoomaya uun ku quus qaado. Somaliland wey sii goo go’aysaa hadaan Silaanyo laga qaban,
Abdi Mustafe