M. Siilaanyo & G.Saleebaan Waxay Duullaan Ku Soo Qaadeen Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Iyo Sharcigii Si Doorashadu U Baaqato

“Gudoomiye Saleebaanna noqon waa Sheekh Ibraahim, waxaanse leeyahay, meel ku xoqasho kaama soconayso ee xeerku gacantaada ha ku go,o, “

cats3

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Xildhibaano Golaha Wakiiladda ka tirsan ayaa shaaca ka qaaday, in la bilaabay olole xoog leh oo la doonayo in lagu baajiyo doorashada, laguna beegsado muddo kordhin, isla markaana ay xildhibaano golaha ka tirsan oo taabacsan xukuumaddu ay u qoreen Shirgudoonka Guurtida qoraal ay ku dalbanayaan in hakintaa lagu hayo ama la soo celiyo xeerka diiwaangelinta, Gudoomiyaha Wakiiladana lagu oogo mooshin xilka lagaga tuurayo.
Gudoomiyaha Gudiga Joogtada ah ee Wakiilada Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo la hadlay wargeyska Ogaal ayaa sheegay, in madaxtooyada, Shir gudoonka Guurtida iyo xildhibaanada Wakiilada badhkood ay iska kaashanayaan dabino ay ku tilmaameen khiyaamo sharci, oo ay ku baajinayaan dhicitaanka doorashada, isla markaana waxay sheegeen in sababta uu Gudoomiye Saleebaaan u hakiyay xeerka diiwaangelintu inay tahay sharci darro.
Xil. Buubaa
Xildhibaan Ibraahim Buubaa oo arrimahaa ka hadalayaa wuxuu doodiisa ku bilaabay sidan,
“waxaanu maqalay inay waraaq qoreen xildhibaano golaha ka tirsani, waraaqdaana ay ku hagaajiyeen Shirgudoonka Guurtida, ogaysiinna ay siiyeen Madaxweynaha. Sida na soo gaadhay qoraalkaa waxay ku leeyihiin dib noogu soo celiya xeerka diiwaangelinta, 12 qodob oo khalad ah baa ku jiree. Xeerkaana goluhu siduu u ansixiyay baa loogu gudbiyay Guurtida, khalad loo badheedhay oo cidi u badheedhayna ma jiro, ee waxaanu u aragnaa qas iyo galgalasho lagu luminayo waqtiga, si golaha iyo xukuumaduba muddo kordhin u helaan, oo loo hor joogsado doorasho waqtigeedii ku dhacda. Haddii aanay sidaa ahayn Golayaashu nidaam bay ku shaqeeyaan, anaguna gole ahaan nidaam baanu ku shaqaynaa, xildhibaanadu haday cabasho qabaan waa inay u soo gudbiyaan guddiga joogtada ah ee golaha ee maaha inay gole kale la doontaan. marka goluhu fasaxa yahayna guddiga joogtada ah ayaa hawsha sii wada sharciyan, markaa haddii xeer la soo celinayo anagaa naloo soo gudbiyaa, wax anaga na soo gaadhay ma jiraan, xeerkaasina anaga wuu naga gudbay, waxaanuu sifo sharci ah ula yaalaa Guurtida, haday ansixinayaan, haday wax ka bedelayaan labadaba iyagay u taalaa. Sidaa aawadeed, waxaan leeyahay haloo soo laabto sharciga, golayaashuna habka ay u wada shaqeeyaan yaan la baal marin”.
Xil. Buubaa wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Xeerka goluhu siduu ku ansixiyay ayaa loo gudbiyay, 12 qodob baad sheegtaye qodob khaldani kuma jiro.Guurtiduna waxay ahayd inay ka doodo oo ama nagu raacdo ama wax ka bedesho, laakiin waxa la sheegay in aanuu Gudoomiye Saleebaan xeerkaba u qaybinin mudanayaasha, balse uu ku wargeliyay in khalad ku jiro oo mudanayaal Wakiilada ahina ay la soo xidhiidheen, sidaana wuu ku hakiyay, markaasuu waliba fasax dheer siiyay golaha, taasina uma muuqato wax sixid iyo khalad baa jira ee waa arrin siyaasadeed oo waqtiga doorashada lagu luminayo. Haddii aanay sidaa ahayn tani may dhacdeen, oo fasax baynu galaynaa layskama yidhaahdeen sidii nin aanay shaqo u oolin, iyadoo la og yahay waqtiga ka hadhay doorashada iyo hawsha taala iyo in diiwaangelintii codbixiyayaashu u dabran tahay xeerkan”.
Xildhibaanku wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Mida kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu ugu yeedhay xildhibaanada in laysugu yimaado shir Sabtida iyo Axada soo socota, si loo ansixiyo xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka, sidaa daraadeed, waxa na soo gaadhay inay xildhibaanada xukuumada ee warqada qoray ay wadaan qorshe ah, in aanay ka soo xaadirin fadhigaa, si ay dib ugu dhacdo ansixinta Komishanku. Sidaa darteed, waxaas oo dhami waa marmarsiinyo lagu baajinayo doorashada”.
Xil. Siciid Cilmi Rooble
Xildhibaan Siciid Cilmi oo isna la hadlay wargeyska Ogaal, ayaa si adag uga hadlay qorshayaashaa ay sheegeen in la wado, waxaanuu hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Rag Xukuumaddu abaabushay ayaa jira oo hawshaa wada, xitaa labada guddoomiye ku-xigeen ayaa ka mid ah, sida aanu maqalnay. Xaq uma laha rag Golaha ka tirsani, Golaha kale ee guurtida inay mooshin u gudbiyaan, markaa dastuuriyan waa sharci-daro marka ugu horaysa. Guddi joogta ah ayaanu leenahay oo Golaha ka sii wakiil ah, iyagaa masuul ka ah wixii dhaca, iyagana laftoodana wax alaale iyo wax la gaadhsiiyay ama la ogaysiiyay ma jirto. Waxa jira nidaam aanu isugu celino j xeerarka oo aanu ku wada shaqayno, laakiin nasiibdaro Gudoomiyaha guurtida Saleebaan iyo ku-xigeenkiisa oo isaguna ka hadlay warbaahinta, waxay ku andacoonayaan Kalaamo Suuq, waxaanay ku leeyihiin Xildhibaano ayaa nagu yidhi khalad ayaa ku jira. Arrinkaasina Shir-Guddoon dhan oo Guurti inay ku camal falaan may ahayn runtii, Gudoomiyaha guurtiduna keligii ma soo celin karo xeer ee Golaha ayaa soo celiya, waxaanay ahayd in Goluhu ka fadhiisto oo wixii ay ka badelayaan ka badelaan, markaa taasna Gudoomiyaha guurtidu muu raacin. Waxa halkaas ka muuqda inuu inqilaab socdo, Golihii guurtida waa la liqay, Gudoomiyaha sharciga ah ee Golaha Wakiiladda ee la doortay saxeexiisii lama ixtiraamin oo ma jiro ayaa la yidhi, Markaa waxaana sidaa loo yeelayaa, marka aan runta idiin sheego lama rabo in doorasho dalkan ka dhacdo. Waxa la rabaa muddo kordhin, sharci iyo sharci daro tay doonto ha ku timaadee, haddii kalena xoog ayaa lagu sii haysanayaa dalkan. Golihii oo fasax ku jira ayaa la doonayaa in la inqilaabo, maanta waxa jira Xildhibaano badan oo diiday arrintaas, Wax alaale iyo wax khalad ah oo ku jira xeerkana ma jiraan oo gacanta ayay u taageen, ee waxa la dhoob dhoobayaa khiyaamo, runtana khiyaamo laguma qarin karo”.
Xildhibaanku wuu sii hadlay waxaanuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Anigu waxaan ku dhaaran karaa inay arrintan xilka qaadista ee muddo kordhinta loo marayo ay ku wada jiraan Madaxtooyada, Gudoomiyaha Guurtida iyo Xildhibaano ka tirsan Golahayaga oo ay shuraako ku yihiin. waana sharci-daro oo Gudoomiye Cirro sidaa xilka lagagama qaadi karo, Doorashadana laguma hor joogsan karo”.
“Marka doorashada laga hadlayo, xukuumadani Waxay caalamka u sheegayso, balamaha ay la galayso iyo waxay doonaysaa way is khilaafsan yihiin, waxa runta ka ahi waa ficilkaa ay hada wado ee ay mudo kordhinta ku doonayso. Gudoomiye Saleebaanna noqon waa Sheekh Ibraahim, waxaanse leeyahay, meel ku xoqasho kaama soconayso ee xeerku gacantaada ha ku go,o, ma shaqaynayo kalaamu suuq ee xeerka intaad golaha hor dhigto, ha ka bedelo wuxuu doono, ha ku daro wuxuu doono, gebigiisaba ha bedelo haduu doono illayn awood buu u leeyahaye, laakiin waan iska haynayaa ma soconayso. Dadkana waxaan ugu baaqayaa, soo jeesta oo ilaashada qaranimadiina, waxaa la wadaa waa qas, walaaq iyo qalalaase la doonayo in dalkan la geliyo, oo lagu tirtiro 23 sano wixii la soo dhisayay. Saleebaan iyo Siilaanyo waxay u shuraakoobeen oo ay duullaan ku soo qaadeen sharcigii iyo gudoomiyaha wakiilada si ay muddo korodhsi u samaystaan oo doorashada u baajiyaan”.
Dhinaca kale wuxuu wargeyska Ogaal la xidhiidhay xildhibaanada muxaafidiinta ah qaarkood, si ay dhinacooda uga hadlaan arrintaa, hase yeeshee sadex xildhibaan oo naga qabtay telefoonadooda gacanta sadexduba way ka cudur daarteen inay ka hadlaan mawduucaa iyo in magacooda la soo qaadaba. “Aniga magacaygana ma soo qaadi kartid, wax buu ii sheegayna ma odhan kartid”,erayadaasi waxay ka mid ahaayeen weedhihii nagaga soo noqday xubnahaa.