Sawiro: Ciyaartoyda Liverpool Oo Garoonka Anfield Yimid Sideed Saac Ka Hor Ciyaarta Real Madrid

Sawiro: Ciyaartoyda Liverpool Oo Garoonka Anfield Yimid Sideed Saac Ka Hor Ciyaarta Real Madrid

MADRID IYO LIVERPOOL

Bogga hore ee wargeyska Liverpool Echo waxa uu mar walba sameystaa hal ku dhig marka habeen Champions League ay ka jirto Anfield, maantana waxba kama duwaneyn.

Xaruufo waa weyn iyo sawirka Steven Gerrard iyo Brendan Rodgers oo is garab fadhiya, waxaa ku qoran cinwaan soo koobaya jawiga kala bar taageerayaasha ku noool magaalada Liverpool iyagoo isku diyaarinaya kulanka weyn ee ay caawa la leeyihiin Real Madrid.

‘Bring on the Champions,’ ayuuna ahaa cinwaanlkooda ugu weyn. Taasoo la micno ah, soo daaya kooxda heysata koobka Champions League.

Sida ay u weyn tahay ciyaartaan ciyaartoyda Liverpool ayaa yimid garoonka Anfield sideed sacadood ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarta.

1413979087189_wps_11_PICTURE_BY_CHRIS_NEILL_07 (1)

Raheem Sterling iyo kabtan Steven Gerrard ayaa lagu sawiray garoonka iyagoo wata dharka astaanta u ah kooxda, iyagoo u sii hayaamaya hotel ku dhow garoonka si ay cuno uga cunaan islamarkaana kooxda u dejiso qorshaheeda ciyaarta.

Inkastoo qaab ciyaareedka Liverpool uu ahaa mid aan joogta aheyn hadana waxaas oo dhan waa la iska ilaawayaa caawa

Dabgaale