Xoogaga Shabaab oo Ciidamada Huwanta u daba maray meel 15km u jirta Magaalada Kismaayo

Al-Shabab Islamists want Sharia law in Somalia in cross-border vengeful Jihad.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta weerar culus ku qaadeen deegaanka Lugwaay, oo qiyaastii 15km u jirta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadii Huwanta ee 6-dii bishaan ka dhaqaaqay Magaalada Kismaayo, ayaa waxay weli ku sugan yihiin deegaanka Buulo Gaduud, oo qiyaastii 30km u jirta Magaalada Kismaayo, iyadoona ay Shabaabku u daba mareen dhinaca Kismaayo.

Xoogaga Shabaab iyo Ciidamada Huwanta, ayaa hubka noocyadiisa kala duwan isugu adeegsaday dagaalkii Lugwaay, waxaana guulo ka sheegtay Saraakiisha Ciidamada ee Maamulk Jubba, iyagoona sheegtay inay ku dileen 5 ka mid ah Shabaab.

Maxamuud Maxamed Khaalib oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Jubba, ayaa duhurnimadii maanta sheegay in dagaalkii barqadii ay ku dileen 5 ka mid ah Shabaabka, ka gadaal markii ay dagaalku soo qaadeen, sida uu yiri.

Khaalib oo u waramay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa meesha ka saaray in dhankoodu uu khasaaro ka soo gaaray dagaalka culus ee Lugwaay ka dhacay, marka laba reebo inay Shabaabku ka carareen meydadka 5 nin, oo ka tirsanaa.

Lugwaay waxay saaran tahay laamiga, waxaana muddooyinkii ugu dambeysayba ku sugnaa Ciidamada Maamulka Jubba, oo ay kaabayaan Ciidanka Militariga ee Kenya, oo qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Al Shabaab, ayaa waxay isku deyeeysaa inay fashiliso duulaanka ka dhanka ah Degmooyinka Jilib iyo Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Salaanmedia/Moqdishp