Gudeemiye ku xikeenka kowaad ee golaha wakiilada (Baashe) oo puntland ka aqbalay in uu ka qabto xil wasiir nimo by Abdi Mustafe

MAQAAL
rar biyo kama dhibcaan ah oo ka soo burqanaya qoyska Gudeemiye ku xikeenka kowaad ee golaha wakiilada (Baashe) oo iyadu dhalasha ahaan ka soo jeeda Hargiesa ayaa sheegaya in Puntland ku qancisay Baashe in uu si dhoqsa ah uugu soo biiro Puntland oo la siiyo xil wasiir nimo. Sidaa waxa ku kala aragti duwan Baashe iyo marwadiisa oo aannu abidkii l khilaaf kala hor iman jirin oo uu caan ku ahaa in uu iyada daba socdo meel wal oo ay joogaan ba. Hase yeeshee Baashe oo nin xil jecel ah oo garanaya in paarlamaankii Somaliland dhawaan la kala diri doono ayaa xil loogu yeedhay wasiir nimo puntland ah oo ku qanacsan in uu qaato wasiir nimadaa. Marwada Silaanyo oo ay saaxiibo dhow yihiin xaaska Baashe heybta guud na ay beel ka soo wada jeedaan ayaa dhex gashay oo uugu balan qaaday Baashe in Wasiir laga dhigo marka mudada loo kordhiyo Silaanyo. Baashe arinkaasi uumuu cuntamin oo waxaannu hubin in Silaanyo ku guuleysan doono in mudada loo kordhiyo. Amina Weris waxay kula talisay Baashe mudada gaaban ee ka hadhay waqtiga doorashada loogu tala galay in uu Abdirahman Ciro ka riixdo kursiga Gudoomiya nimada oo Baashe noqdo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Waxay intaa uugu dartay hadii Suleiman gaal na yahay gudoomiyaha guurtida Baashe na noqdo gudoomiya golaha wakiilada dabeed mudo kordhis ku wuu hawl yaraanaya. Hase yeeshee Baashe wuxuu taa kaga kalsoonyay in uu wasiir ka noqdo Puntland isagoo aad moodo in uu tebayo ku dhex noolaan shaha beesha guud ee uu ka soo jeedo iyo isaga oo ku qanac san in aan Abdirahman Ciro sinaba looga guuleysanayn haday kursiga golaha wakiilada tahay iyo haday kursiga madaxweynaha tahay. Halkaa marka arin marayo waxa iyana soo dhex gashay wasiirka tacliinta Zamzam hase yeeshee Baashe wey ku qancin kari waayeen in uu Somaliland sii joogo oo goor ay noqotaba wuxuu ka daba tegayaa Xaabsade oo xaas kiisuna ma ogola inay Hargiesa ka guurto oo waxay keeni kartaa bur-bur qoyska ku dhaca. Baashe waxa kaloo dhegahiisa ka fara badatay in uu yahay nin xaaskiisa aan hadal ku soo celin oo iyada uun daba socda markaa arintaa qudheeda in uu ka muquurto ayaa meesha soo geleysa. isku soo xoori oo Gudeemiye ku xikeenka kowaad ee golaha wakiilada (Baashe) wuxuu u xidh-xidhanyey in uu xaabsade ku biiro oo xil wasiir puntland u dhiibto oo loogo balan qaaday.
Â