Marwo Amina Weris oo 7 wasiir iyo 7 xildhibaan ku shirineysa madaxtooya​da si loo hakiyo doorashada

Amina

Marwo Amina Weris oo 7 wasiir iyo 7 xildhibaan ku shirineysa madaxtooya​da si loo hakiyo doorashada
AMINA-WERIS-TNNSida warar rasmi ihi ku soo baxayaan waxa madaxtooyada ku shiraya caawa dhan oo ilaa iminka fadhiya 7 wasiir iyo 7 xildhibaan oo ay weheliso Amina Weris oo ku doodeysa in xeerkii guurtidu gardarada ku soo diiday maxkamada loo gudbiyo. Cajiib … Maxkamada iyo madaxtooyadu iyo Guurtidu waa isla hal qudha oo waxay ku kala duwan yiin ma jirto. Wuxuun baa laga shirayaa sidii doorashada loo carqaladeyn lahaa.
Waxa xaqiiq ah in Silaanyo sadex cisho cisbitaal London ah uu ku jirey oo markii uu soo baxay ee uu nasan lahaa ay Amina Weris tidhi socdaalkii galbeedka ee xisbiga Waddani wuxuu ummadii tusay in isaga laga jecelyey Silaanyo oo dabeedna ay tidhi ina dhaqaaji oo dalkii inagu celi. Silaanyo oo bestiiya oo nasasho u baahan ayey Amina Weris soo dhaqaajisay, iminkana waxay shirinaysaa koox wasiiro iyo xildhibaana ah oo ay leeday dhako keena sidii doorashadan loo hakin lahaa.

Waxaanay se ogeyn in deeq bixiya yaashu ay ku adag yiin in doorasho qabsoonto 2015. Waxa kale oo ay ka tegayaan in shicibku diyaar u yahay in la soo baxo hadii doorasho waqtigeeda ku qabsoomi weydo. Xukuumadii waa sakaraad oo wey rafaneysaa oo doorashada naga joojiya bay ku khafiifeen. Isma oga Smith iyo ninkii Eyrro foofsaday… Isma oga Amina Weris iyo shirqoolka loo samaystay haday doorasho dhici weydo.
Qalinkii Abdi Mustafe
mustafe123@yahoo.com