Xildhibaanada Kulmiye sharaf daranaa mar walba xeer ay u codeeyeen baa madaxtooyadu ku tidhaa ka noqda by Abdi Mustafe

maqaal

 

 

 

 

 

 

 

Xildhibaanada Kulmiye oo ku caana biidhi qaatayaal ayaa haba yaraatee wax jacayla u hayan dalka iyo dadkii soo doortay. Xildhibaanadaa Kulmiye waxa u caada ah intay si fiican xeer uugu codeeyaan in madaxtooyadu dhaameel u ruxdo oo ay ku tidhaa ka noqda. Waxay la lee-leelayaan waa dhaartii ay baal mareen ee ay ka doorteen qarashka. Xildhibanada Kulmiye badan koodu waxay u dhaqmaan sidii oo gaajo ku raagtay wax sharafa oo ay ummada dhexdeeda ku leeyiina ma jirto.

Waa wada Bukhaari iyo nac-nacle iyo Cali mareexaan iyo A/rahman dheere iyo kuwa aan dhaamin. Hadaba xildhibaanada Waddani waa xalaal quuta yaal madaxtooyadu iibsan kari weyday oo mujaahideen ah oo waxa ka mida Buubaa, Rayte iyo A/rahman xoog iyo Siciid Warsame, Hussien Egeh etc. Siciid Elmi Roble oo ah geesi sharaf badan ayaa ka soo jeeda xisbiga Kulmiye laakiin aan ku raacin dulmiga ay mar walba reer Kulmiye faraha kula jiraan. Isku soo xoori oo waxa is haya Waddani oo xaq ku dirir ah iyo kulmiye oo dulmi doon ah. Marka arinku sidaa yahay ilaahay wuxuu balan qaaday in xaqu guuleysanayo. Hadaba xildhibaanada Waddani waxaan leeyey guushu wey idiin soo dhowday ee halkaa kaga haya aragiina ayay ka baqaane oo waxa duleynaya reer Kulmiye waa dulmiga ay wadaan e.
Abdi Musatafe