Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Guddida Qandaraasyada Oo Isku haysta Gaadiid Diiwaangelinta loo Iibiyey

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Guddida Qandaraasyada Oo Isku haysta Gaadiid Diiwaangelinta loo Iibiyey

Gadiid

Hargeysa(Salaanmedia.com) khilaaf dhex yaalla Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddida Qandaraasyada awgeed Lix gaadhi oo ah Nooca SURF-ta loo yaqaano ayaa muddo dheer ku hor qoofalan xarunta Guddida Qandaraasyada kaddib markii la isku khilaafay Iibkooda.
Gaadiidkan ayaa la sheegay in loo Iibiyey Diiwaangelinta Madaniga ah, hase yeeshee sida wararka ka soo baxaya sababta baabuutani ugu hor shakaalan yihiin xaruntaas sheegayaan waxa la isku haystaa Iibkooda, waxaana la sheegayaa guddidu inay ay ku doodayso gaadiidkan inay iyadu xaq u leedahay, halka Wasaradduna ku Doodayso in ay iyadu baabuur soo iibsatay.
Ma cada in Lixdan SURF oo kali ah loogu talogalay in lagaga shaqeeyo Hawlaha Diiwaangelinta iyo in ay jiraan gaadiid kale oo wasaaraddu gaar u hayso, hase yeeshee gaadiidkan kooban ee la isku haystaa waxay u muuqdaan kuwo aan ku filnaan Karin baaxada hawsha Diiwaangelinta.
Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya inay jiraan illaa sagaal gaadhi oo kale oo iyana qayb ka ah kuwan horyaala guddida Qandaraasyada hase yeeshee ma cada in Guddida Qandaraasyadu dhamaantood wada iibisay iyo in kuwa kale wasaaradu iibsatay.
Gaadiidka horyaalla guddida qandaraasyada waxa ku xidhan nambarka Dawladda, waxaana ku dhaacay habaas badan maadaama ay muddo halkaas yaalleen, qaarkood na taayirrada ayuu naqaskii ka yaraaday.