Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka Somaliland Oo Khamiista Maanta Aha Adissababa Kula Kulmaya Siyaasiga Cali Khaliif iyo Cida kulankan wada

Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka Somaliland Oo Khamiista Maanta Aha Adissababa Kula Kulmaya Siyaasiga Cali Khaliif iyo Cida kulankan wada

SADDEXDA  XISBI QAR

Nayrobi(Salaanmedia.com)-Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka Somaliland, oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Nayrobi ee Xarunta dalka Kiiniya ayaa, la sheegay in ay khamiista Maanta Magaalada Adissababa ee Xarunta dalka Itoobiya kula kulmayaan,Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khliif Galeydh iyagoo dhinaca itoobiya uga duuli doona Nayrobi. Sida ay ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii,ay arintan qorsheeyeen deeq bixiyayaasha Dunida Caalamka ee Somaliland ka caawiya arimaha Doorashooyinka,iyadoo ay wararkani tobaaxeen in Dowlada Itoobiya laf ahaanteedu qeyb ka tahey kulankan iyo qodobada laga wada hadli dooni, waxaana la filayaa in kulankoodani Khamiista Galinka dambe ku qabsoomayo dalkaasi Itoobiya,waxaana la filayaa in ay maalinta jumcaha ah ee todobaadkan kusoo guryo noqon doonaan Somaliland. Inkastoo aanay jirin warar si rasmi

ah uga soo baxey Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi(Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye), Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),(Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Mucaaridka ah),iyo Faysal Cali Waraabe(Gudoomiyaha Xisbiga Ucid), oo ku sahabsan nuxurka kulanka Cali Khaliif Galeydh hogaamiyaha Khaatumo,hadana waxey ilahani hadhwanaagnews u xaqiijiyeen in talaabadani ay iska kaashadeen Deeqbixiyayaasha ay maalmahan kulamada kula lahayaeen nayroobi hogaamiyayaasha Xisbiyada Qaran ee Somaliland iyo Dowlada Itoobiya oo qeyb ka ah,waxaana la filayaa in hordhacyada wararkani ilaa khamiista Bari dibada usoo bixi doonaan.