Golaha Wakiiladda: Maamuuskaanu Ka Xayuubinaynaa Gudoomiye Cirro, Anaguna Madaxaweyne Siilaanyo Ayaanu Ka Xayuubinaynaa

Golaha Wakiiladda: Maamuuskaanu Ka Xayuubinaynaa Gudoomiye Cirro, Anaguna Madaxaweyne Siilaanyo Ayaanu Ka Xayuubinaynaa

siilaanyo-VS-cirro-

(salaanmedia.com)-Khilaaf u dhexeeya Xildhibaanada Golaha wakiilada ee xukuumadda iyo mucaaradka ayaa dib u istaadhmay,isla markaana waxaa eedaymo is waydaarsaday xildhibaano ka kala tirsan Kulmiye iyo Waddani.
Xildhibaanada Muxaafidka
Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada taabacsana Kulmiye iyo Xukumadda ayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ugu hanjabay mooshin xil ka qaadis ah. Shir jaraa’id oo ay shalay qabteenna Waxay ku dooddeen in Gudoomiyaha wakiiladu khalad ka galay golaha, ka dib markii uu xeerka diiwaangelinta ee Goluhu ansixiyay qodobo ku daray una gudbiyay Guurtida oo iyaguna hakiyay.
“Xeerkii aanu gudbinay ee Goluhu Ansixiyay ee uu 64 mudane ugu codeeyay maaha xeerka la gudbiyay ee waa mid ka gedisan. Waxaanu soo qaadnay xeerka asalkii hore ka yimid Xukuumadda iyo Xeerka Gudoomiyuhu(Cirro)gudbiyay, waxaanu ka soo min guurinay qodobo 9 bog ka kooban oo kala ah sidii Xukumaddu ku soo gudbisay iyo sidii Gudoomiyuhu ku sii gudbiyay ee guurtida ugu gudbiyay.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cismaan Caalin. wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Markii aanu ogaanay in xeerka Guurtida loo gudbiyay ahayn kii golaha laga gudbiyay ee loo codeeyay, waxaanu qaadnay fajac iyo jaahwareer. Waayo waxaanu garan waynay waxa kalifay in khiyaamadani dhacdo”
Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahin Ruush, ayaa ku hanjabay in Gudoomiyaha Xilka laga qaadayo haddaan arintan xal laga gaadhin. “Khiyaamadan qaran ee dhacday oo laga wada hadlo mooyaane Golaha haddii la furo waxa ugu horeeyay ee Imanayaa waa xil ka xayuubin, waa Imbiijman, waayo, wixii xilka lagaaga xayuubin lahaa ayuu ku kacay. adigoo iska maydha oo banaanka soo dhiga mooyaane haddaad isku daydo inaad gole hogaamiso ku tala gal in Xilka lagaa qaadayo”ayuu yidhi Xildhibaan Ruush oo gudoomiyaha Wakiilada farriintan u dirayay.
Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ah muxaafidiinta golaha oo isna ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa yidhi,
“Guddoomiye Cirro wuxuu jabiyay dastuurkii qaranka. Gudoomiyuhu wuxuu gudbin karaa oo saxeexi-karaa go’aan Gole ee isagu malaha go’aan keliya, waxaanuu ka mid yahay 82-ka Xildhibaan. Waxaanu u sheegaynaa caalamka iyo bulshada reer Somaliland arrintani waa arrimihii doorashooyinka. Yaa Doorashada xanibaya oo dabadda kaga taagan ma Xukuumadda, Kulmiye, Waddani, Golaha Wakiiladda Mise Guurtida, qoloba qolo ayay eedda ku reebtay. Eeddii way soo baxday waxay noqotay waa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo xisbigiisa Waddani, cidda hortaagan in doorashada la qabto. Waxa dhacay budhcadnimo, muqus-maasuq iyo dambi xeer qaran”.
Xildhibaanada muxaafidka ee shirkaa ka hadlay waxay dhamaantood ku doodeen in xeerka la gudbiyay aanuu ahayn kii golohoodu ansixiyay.
Xildhibaanada Mucaaridka
Dhanka kale, Xildhibaanada Xisbiga Waddani taabacsan ayaa shir jaraa’id oo kaa barbar socday oo ay shalay qabteen, Gudoomiye Cirro kaga difaacay eedahaa, islamarkaana sheegay in Qodobada Xildhibaanadu ku doodayaan in lagu daray xeerkani yihiin kuwo xeerkan oo 2007-dii la ansixiyay ku jiray “Dhawr iyo afartan Xildhibaan iyo Xukumadda ayaa wada hadlayay muddo,waxaa lagu wada hadlayay Inoo wada kordhiya. Xukumaddu waxay leedahay mayee la inoo wada kordhin maayee, idinku 10 sano ayaad joogteena idinku naga hor gala Doorashada,mayee ha la inoo wada kordhiyo haddii kalena jiq baynu isku siinaynaa ayay xildhibaanaduna leeyihiin.Anagu intaas waanu daawanaynay, anagu mar walba waxaanu lahayn labaduba ha idin wada dhaafaan, nimankan iyaguun wada hadlaya ee qaraabada ah ee isku shushubtay ee qarankan iyo baabi’iisa aan ka fikirayni ha idin wada dhaafaan oo hal mar hala wada qabto ayuu go’aankayagu ahaa” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaanku wuxuu hadalkiisii sii raaciyay “Nimankii markay soo heshiin waayeen iyagoo ordaya ayay daf noo soo yidhaahdeen, waxay yidhaahdeen Xukumaddii heshiin weynay oo waxay yidhaahdeen, Goluhu ha naga horeeyo,markaa mar baynu ka wada dhigaynaa, waayahay baanu ku nidhi, dabadeedna Illaahay baa sakhiray oo gacantaa loo wada taagay in doorashada Maddaxtooyada iyo Wakiilada mar la wada qabto, oo 64 baa gacanta taagay, hal nin baa diiday. Nimankii haddana Madaxtooyada ayay isku shubeen oo yidhaahdeen Waxaanu soo ansixinay in mar la wada qabto labada doorasho. Xukuumadda anfariir bay arintii ku noqotay oo indhaha ayay nimankii kaga dhaceen, waxaana halkaas ku go’ay xidhiidhkii dabadeedna waxay Xildhibaanadii yidhaahdeen waar Khalad baynu galaye sidee baynu u saxnaa, markaa qiil bay raadiyeen, qiilkiina wuxuu noqday khiyaamadan”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wuxuu intaa ku daray oo uu taabtay saddex qodob oo uu sheegay in Gudoomiyaha Guurtidu ku khaldamay markii uu hakinayay Xeerka Diwaangalinta, waxaanuu yidhi, “Saddex khalad ayuu galay Gudoomiyaha Guurtidu, koow Gudoomiye Sharci ah baa u gudbiyay Sharci, haddii uu wax maqlay isagoo aan talaabo qaadin bay ahayd inuu gudoomiyaha u yeedho oo wax ka waydiiyo. laba wuxuu Xildhibaanada Wakiilada ee Cabashada u gudbiyay odhan waayay waxa aad sheegaysaan Golihiinaad ku soo dhamaysan lahaydeene kaygan ha galina. Saddex waxay ahayd in Golaha uu fadhiisiyo oo laga doodo waayo gudoomiyuhu kaligii awood uma leh uu waxna ku celiyo waxna ku ogolaado”. Xil. Siciid wuxuu ka hadlay arrin kale waxaanuu yidhi,
“Waxa dalka la keenay 160 Gaadhi oo qabaala oo cusub,cid allaaliyo cid ogi ma jirto,oo annagu (Wakiillada) ma ogin, ma dagaal ayaynu galaynaa ma ogin, Babuurta qoryo waa la saarayaa, laakiin dadka la saarayo garan mayno. dabadeed waxa hadhoow imanayaa shirkado aynaan garanayn iyo qabaaladaa aynaan garanayn ayaa israacaya oo deegaan ayaa daf la odhanayaa, deegaankiina waa kacayaa, dabadeed buuq ayaa dhacaya. Markasta waa fidmo in la abuuro, fidmadii koowaadna waatan waanay soconaysaa ILAAHAY oo inaga soo gaadha mooyaane”.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo shirka jaraaid ka hadlay ayaa sheegay“Guddoomiyaha Guurtidu hoosta iskama dhigi karo oo fasax 45 cisho ah ma galin karo Golaha, iyadoo arrin deg-deg ah oo doorashada ah loo ballansan yahay, sida uu sheegayo qodobka 78 ee distuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waa inuu mudo bil ah golaha guurtidu mashruuc sharci kasta oo aan ahayn kuwa maaliyada oo u gaar ah Golaha wakiilada, waa inuu ku sameeya wax ka bedel ama soo jeedin ama diido ama yeelmo. Wax kale oo muran ahi meesha ma yaallo oo waxaanu u aragna in uun carqalad la galinayo diiwaangelinta iyo dib u dhigista doorashada. Xildhibaano laba iyo toban ah ayaa u tegay baa la yidhi (Gudoomiyaha Guurtida), xildhibaanadaasi malaha waxay garan waayeen golahay ka tirsan yihiin oo xildhibaanadaasi waxay ka tirsan yihiin Golaha wakiiladda, haddii ay wax ka cabanayaan waxay ahayd inay hab nidaam ah u soo cowdaan inta ay u cabanayaan Golaha Guurtida.Waxay xildhibaanadani dib u soo istaadheen xurguftii siyaasadeed ee ay guurtidu soo afjartay, xildhibaanadaasi waa kuwee, waa xildhibaanada laga soo shidaaliyo madaxtooyada ee aanu u naqaanno “Mooshin Quutayaasha”, anagu waxaanu nahay xildhibaanada aad u taqaanan xildhibaanada Xalaasha ah ee aan mooshinada quudan, laakiin iyagu waxay wax ka dayaan oo lufluf iyo dilaalnimo ka dayaan mooshinno”. waxay yidhaahdeen ka soo qaybgali mayno kalfadhiga aan caadiga ahayn ee sabtida loo ballamay ee lagu ansixinayo Komishanka, waxay ka wada socdaan dib u dhigista doorashada Madaxtooyada oo aan weli golaha u soo gudbin, oo waxay leeyihiin yaan golaha la furin Sabtida. Waxay yidhaaheen haddii uu Guddoomiyuhu golaha ugu yeedho kalfadhi aan caadi ahayn, waxaanu keenaynaa mooshin xil ka xayuubin ah oo lagu ridayo Guddoomiyaha golaha wakiilada oo aanay wehelin labada gudoomiye ku xigeen. Haddii ay dib u istaadheen xurguftii, anaguna waxaanu keenaynaa mooshin maamuus ka xayuubin Madaxweyne ah oo aanu qiil u hayno.” Xildhibaanadaa iyo qaar kale oo madashaa ka hadlayba waxay sheegeen, in xeerka loo gudbiyay Guurtidu uu yahay kii golaha Wakiiladu ansixiyeen.