Q. Midoobay Oo Baadhitaan Ku samaynaysa Duqayntii Israa’iil Ee Gaza

Qaramada-Midooba

Brussels, (Salaanmedia.com)-Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in la bilaabayo baadhitaano la xidhiidha colaadi ka dhacday Gaza bishii July oo ay ugu waynayd Duqaymihii Israel gaysatay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo dhowaan ka soo laabtay socdaal uu ku tagay marinka Qaza, ayaa sheegay in uu bilaabayo baadhitaan lagu samaynayo weeraradii duqaymaha ahaa ee lagu qaaday agabkii iyo xafiisyada Qaramada Midoobay intii ay socdeen dagaaladii iyo duqaymihi.
Baadhitaanka madaxa banaan ayaa sidoo kale lagu samayn doona dadka rayidka ah lagu dilay duqaymaha.
Sidoo kale, waxaa la baadhi doona in xoogaga Xamaas ay adeegsadeen xarumaha Qaramada Midoobay.
Duqaymaha oo socday muddo 50-maalmood ah ayaa waxaa ku dhintay inka badan 2,000-qof oo rayid ah oo falastiniyiin.