Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo Reer Galbeedka ku eedeeyay inay boobayaan Kheyraadka Buuraleyda Galgala

download

Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa si kulul Reer Galbeedka ugu eedeeyay in uu damac kaga jiro boob ay ka geystaan kheyraadka ku jira Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, sida uu yiri.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in Reer Galbeedka ay xilligaan xoogga saarayaan sidii Shabaabka looga saari lahaa deegaanada Buuraleyda Galgala, sababo ku aadan Galgala oo laga helo macdan, shidaal iyo dhegxaan uu ku sheegay inay qiimo badan dunida ka jooggaan.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlaayay Idaacada Andulus oo afka Shabaabka ku hadasha, ayaa waxa uu tibaaxay in Yurub iyo Mareykanka ay ka jirto dhaqaalo xumo, isla-markaana ay isku deyayaan inay ku duulaan kheyraad ay umudi kale lee dahay, sida uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay inaysan wax qarsoon ahayn shirarka gaar gaar ah ee la xiriira shidaalka, iyadoo uu soo hadalqaaday shirkii ugu dambeeyay ee toddobaadkaan lagu qabtay Magaalada London, loogana hadlaayay shidaalka.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyay inay difaaci doonaan kheyraadka ummada Somaliyeed, si aan looga faa’iideysan kala qub qubnaanta ka dhex jirta Somalida, isla-markaana ay difaaci doonaan ilaa iyo inta dadka Somaliyeed ay ka noqonayaan kuwa hantidoodu maamulan kara.

Dhanka kale Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa ku waramaaya in habeenadii ugu dambeeyay ay weeraro culus ka geysteen Buuraha Galgala, markii ay ku weerareen fariisimaha Ciidanka Daraawiishta ee Maamul Goboleedka Puntand.

Abuu Muscab, ayaa wuxuu intaa ku daray in muddooyinkii ugu dambeysay ay Shabaab iyo Ciidanka Puntland ku wada hardamayeen Buuraha Galgala, isla-markaana ay jab ballaaran ugu geysteen, sida uu yiri.

Salaamedia/Mogdisho