Maxaa ka Dhexeeya Sheekh Yusuf kawneen (Aw Barkhadle), Bucur Bacayr (buur bacayr) iyo Geedi Baabow (buubow/babow) Afkayse ku hadli jireen May iyo Maxaad?

Maxaa ka Dhexeeya Sheekh Yusuf kawneen (Aw Barkhadle), Bucur Bacayr (buur bacayr) iyo Geedi Baabow (buubow/babow) Afkayse ku hadli jireen May iyo Maxaad?
MAQAAL
 Waxaa isa soo tareya dadka  ila qaba in afka lagaga hadlo Gobolka Bay ee koonfurta Somaliya yahay afkii u hooyadda ahaa af somaliga goboladda dalka intiisa kale lagaga hadlo. Aadna ugu sii raadleeyahay kana muuqdo erayo baddan oo si gaar ah loo adeegsado Waqooyiga Somalidda iyo magacyadii hore ee awoowyaasheen oo ay qaabirka qaa weli sitaan oo xuruufta ,”caynka” iyo ”xadu” ay ka maqan yihiin halka aan weli laga karin xuruuftaaas gobolka Bay. Waxaa ila mid ah  oo la qaba in Af Maygu asalkii yahay  Abwaan  Mubarik Qorubaxay sida aan ka daawaday muqaal laga duubayoo majaajilo ahaa arinkaas ku soo qaaday. 
Bal haddaba  aan maanta  idiin galo saafid  aan ku sameeyey  magaca lagu naanayso  Sh. Yusuf oo ah  kawneyn (Alkowbayn)  iyo ka kale aw Barkhadle  iyo inta aynu ka hayno taariikh iyo sidoo kale Bucur bacayr iyo Geedi Baabow waxay iskaga midka ahaayeen iyo waxa laga soo bixi karo magacyaddooda sida ay Somaliduba u tidhaah,  ”Magac bilaash ma baxo.”.  Waxaynu is waydiin karaa in ay run tahay in af may maygu yahay Hooyaddii Afka Somaaliga oo ” Maygu uu dhalay Maxaad” waayo af somaliga waxaa loo kala qaadaa May iyo Maxaad.
Waxaynu ku haynay taariikhda werin afkeedka ah  ama tebinta ka ab laysugu soo gudbiyo in uu Sheekh Yusuf ka mid aha culimaddii ugu soo horeeysa ee geeska timid horseedkana u ahayd fidinta diinta islaamka. Sheekh Yusuf kowneyn waxaa lagu sheegaa in uu afkii uu dadkii uu meesha ugu yimid ay ku hadli jireen ku turjumay higaada xarakadda iyo dhibcaha xuruufta carabiga oo bilow u ah barashadda akhriska iyo qoridda Quranka kariimka ah. Waxaan muran ku jirin in xarakadu asalkeeda dhawaqu uu yahay afka imika lagaga hadlo gobolka Bay: Alif la kor DHAWAY (alif dusha lagu dhuftay ama laga tumay ama laga garaacay). Waxaa iyan hal kaas ka muuqanaysay in higaada uu cod iyo tusmo ku qaybsiiyey dhawaq iyo dhigaalba, sida sidaasbaan  korka ugaga  dhuftay (xarfkii) ee ”A” dhaha sidaas baan hoosta uga dhuftay (dhaway) ee ”I” dhaha sidaas baa usha ugu soo goday (qaloociyey) siday beerka is qabteen  ee ”U” dhaha.
Waxaa kaloo aynu sheeko ku maqalay in uu sheikh Yusuf goobta lagu siyaarto imika ee Aw barkhadle ee Hargaysa 30KM bari ka xigta, ugu yimid nin ka taliya oo layidha Bucur Bacayr oo aan haysan diinta islaamka dumarka marka laguursadana isagu soo haysan jiray muddo.
Sida magaca Aw Barkhadle laga dheegan karo, waxaad kala soo baxi karta ugu  yaraan  laba macne oo labadu tilmaamayaan barashadda quraanka ( lana odhan karo waa dugsigii iyo barihii ugu horeeyey cariga Somalida ee adeegsiga afka hooyo).Ta hore waxay noqon karta wadaadkii barta (sumadda) khad ka ah lahaa. berigii hore ee xeerta diintaa baraataa jiri jirtay ee ay reeraha dhexmari jireen waxaa astaan u ahayd in dhabanadda caruurta khadka loo mariyo si loo muujiyo in ay quranleey yihiin qalin qoyan ah. taas oo la odhan karo waxay bedeshay sumadihii cawaanka ahaa, ha noqoto diib ama dhoobo ama danbas baadi sooc ah ama quruxba looga jeedo oo wejiga lagu samaysto.
Ta labaad ee magaca Barkhadle laga soo bixi karaa waa goobtii (bartii) khadka (quranka) farbarashadda lagu baraanayey laguna barakaysanayey ( xaga allah) laguna badhaadhay taas la odhan karo iyana waxaa lagu badelay magacii hore ee meeshu lahayd oo noqon karta Buur Bacayr ama buurtii Bacayr haddase loogu dhawaaqo bucur Bacayr. Waxaa halkaa ka muuqan karta in ismedel dhaqan iyo maamul uu goobta ka dhacay. iyadoo ahayd goob fusuq (Mugdi) oo isu bedeshay goob cibaado iyo diineed (Nuur):
Waxaa iyana la odhan kara erayga ” Aw” waa mid la bixiyey xiligaa isaga ah oo deryankii quraan akhriska iyo sidii uu dhegaha ugu dhacayey dadkii meesha loogu yihi oo or iyo ugaan aqoon aha,  awdii ka baxaysay quran akhriska sheekha iyo daryanka higaada xeerta in aw raac noqdeen oo sheekh meeshuu ka aw leeyahay soo jabaq raaceen. ilaa ay ka gaadhen in ay soo gaadho in lagu maansoodo’, ” Ubo wayso iikeen Eebe aynu tuugnee (tuugasho/tukasho oo ah barino).
Waxaynu sheeko ku maqalay in ay iskaraameeyeen Sheekh Yusuf kawneyn iyo Bucur Bacar. Waxaa naloogu sheekayn jiray Burcur baa sheekha ku yidhi buurtaasaan daloolinayaaye oo dhinaca kale uga baxayaaye adna karaamadda keen oo markuu buurtii galay sheekhuna buurtii ku fadhiisiyey oo uu Bucur Bacar sidii ay Buurtu ugu fadhido. Way cadahay in ay sheeko aan xiligan loo dhego raaricin karin ay tahay se wax kale jiraan. Aynu is waydiine talow maxaa jira: waxay aniga ila tahay waan idiin sheegi.
Cajiib, iyana waxaynu maqalay in meesha la yidhaa Buur haybe god ku yaal (cave) oo dhinaca bari ka xigta Buur hakaba oo Baydhaba ku dhaw kana tirsan isla gobolka Bay in uu ku noolaan jiray in la yidhaa Geedi Baabow (babow/buubow) oo la dhaqan ahaa ninkii Bucur bacayr (buur bacayr) oo aan isna  diinta islaamkana haysan. dhaqanadiisiina ay ku soo dhawadeen dadka dega Gobolka Bay. waxaa soo dhawatay in inanta marka la guursadda muddo barbaartu ay soo haysan jirtay waa geel jirahae.
Bal hadaba aan eegno magaca kawneen. waa maxay macnihiisi yaa u bixiyey. Anigu waxaan qabaa in magacu yahay naanays uu ku kasbaday socotonimaddiisa ay ku calaamadsadeen dadkii uu meesha ugu yimid afkoodana uu asalka naanaystu ahayd gadaalna iska bedelay oo uu noqday ”KOWNEYN”
erayga kownayn wuxuu ka soo jeedaa erayga af mayga ama asal somaliga ah ee KOOYEE / KOOYEEN/KOOYEYN oo marxalado ismedel soo baray oo tilmaan ah sida afafku isu dhalan gediyaan aakhirkiina noqday kowneyn (alkownayn) oo la carabiyeey ( CAALAMYN).
Waxay noqonaysaa in ay dadkii uu wax barayey ku naanaysee Sh. Yusuf kii SOCOTADDA ahaa ama qariibka ahaa (koyto).
wuu yimi = koyee ( sheekhbaa yimi! ninkii bucur bacayr … = sheekhi kooyee! lankii burcur bakayr … )
dhinaca kale markaan uga wareego magaca Geedi Babow wuxuu xambaaarsan yahay wax guuray oo cararay ama bibaday ( geedi iyo babad ama buubid oo ah firdhad). waxaana halkaas ka soo baxaysa in aanu bucur bacayr buuri ku fadhiisane uu cararay oo boqortooyadiisii la fakaday markay sheekh isku awood sheegteen.
Talabaad sheekada bucur Bacayr buur buu hoos galay miyeyna noqonay godka ilaa hadda jira ee Buur Haybe ee uu sal dhiga ka dhigtay Geedi Babow.
Waxaaba dhici karta in halka aynu imika ka nidha BUCUR Bacayr in ayba ahayd meesha lagu tilmaansado in uu ku jiro Bacayr oo ah Buur (Buur Bacayr) sida Buur Haybe. Bacayr iyo Haybe ayaa iyana ah tilmamo  waxaanse ogahay in Buurhaybe ay tahay Buur madow. mase ogi buurta Aw Barkhadle ee lagu sheeko in Bucur Bacayr ku hoos jiro astaanteeda laakiin Bacayr waa layiqaan tilmaantiisa.
isku soo xoori oo Gobolka Bay iyo Waqooyiga Somalia siiba Somaliland waxyaabo badan ayaa iskaga badhxan raadkeeduna Afka iyo asaasta  labaada meelood ka muuqdo oo meelo badan iskaga yimaad oo ay dheeryihiin Soamlidda kale sidaan qabo inkasto aan qababa in afka maygu asalkii iyo Hooyaddii af Somaliga yahay marka uu ka yimaad afafka geeska ee aynu isa soo galo.
shaki kuma jiro qabaaiilka raxan weyn in ay ahaayeen dad socoto meesha ku tegay siba sagaalka iyo sideeda xilliyo kala geddisan dhinicii laga farcamayna ay tahay inta ku teedan ama xigta badda cas inaguna aynu ku hadhnay jiida laga haajiray.
Mohamoud Hassan Arrale