Mirqaanku Ma Sidan Baa? W/Q Xamse Baashe Muxumed (Shaadhey)

Mirqaanku Ma Sidan Baa? W/Q Xamse Baashe Muxumed (Shaadhey)

MIRQAAN-150x150

Waqtigu waa goor habeen ah, laakin fiid u ah aniga iyo dhallinyarta qayrkay ah, qiyaastii waxaay goorsheegtu ku beegnayd oo aan filayaa in sagaalkii habeenimo daqiiqado yar badhtamaha u dhaaftay, waa waqti aan iska da’lanaa waayo subxii hore ee aan kacay ee aan tukaday wajibkii la igu lahaa waxan u dhaqaajiyey xagaasi iyo shaqada oo aan hunguri mar xalaal ah kasoo raadiyo maalinkii oo idil, isla marka uu gabalku dhaco ee qoraxdu falaadhaha casuusta ah ee aadka u taagta darnleh xaga galbeed inaga qabtaan misana, Mu’adimiinta masaajidu isku diyaariso Eedaanka salaada makhrib ayaan Boorsada buugaagta xabaartaa oo waxaan si dhib ah u xasuustaa kaadhkii jaamacadda lugu gelayey oo haddaanan sidan ay iga xidhmayso jamacad, intaan jaamacada ku jiro.

Waxaan dareemaa daal iyo tabcaannimo, laakin xisaska oo macaliminta dhigayaa yihiin kuwo furfuran misan faraxsan ayaa keena inaan wakhtigu i dhibi waayo, waxba ayaana hawshaas kulasii geline aan ku soo laabta sheekada, goobtu waa badhtamaha suuqa hargeysa, waxaa i weheliya qaar kamid ah ardaydii aanu isku fasalka ahayn, oo bus la’aan darteed aanu wadada sheekooyin cajiib ah isku dhaafsanayney, mar waxaanu ka sheekaysanaa waayahay waxbarshada, mar xaga siyaasad ayaanu u kacanaa, marmarna waanu dhafnaa geyigan aanu ku noolnahay oo caalamkaanu ka hadalnaa, inkasta oo ay nugu badnaayeen sheekooyinka guurka ku saabsan.
Waxba ayaanan hadal kugu daaline wakhti aanan garnahayn ayaan sheekadii mid kamid ah ardaydii aanu wadda soconay wadday ka hadhay oo waxaan arkay dhegtayda oo u haqal taagaysa dhagaysiga sheeko niman kale wataan oo ay is warsanyeen waa laba nin qiyaastii da’adood waa inta udhaxaysa 25jir ilaa 30 jir, xoogan, oo aanay ka muuqanin baahi badani, mid kastaa wax uu gacanta midig ku sitaa bac madow oo oo culus misana buuxda, waan u sii haqal taagay waxay sitaan laakin waxaan ogaadey inuuyahay qaad(jaad), ma aqaan qiyaastiisa laakiin dadka qaadka yaqaan waxya ku tilmaamaan inuu yahay geed, waa kan ugu lacagta baddan ee ugu qaalisan geyiga aynu kunoolnahay, laakin dhalinyartan labada ahi waxy ka sheekaysanyeen mirqaanka, oo mid kamid ah oo sidaan dhugtey magaciisa layidhaah Jaamac ayaa wadda sheekada wuxu yidhi “Xalay oo dhan maseexan mirqaan, oo maxaad qabanaysey ayuu waydiiyey saaxiibkii oo anan magacisa isga maqlin, dee waxaan dhisaayey guri, guri kkkkk, anigu waxaan moodayey guri dhab ah, lakin sheekadiisa ayaan ka dhex dhandhansaday inuu yahay guri aan jirin, Oo imisa qol ayuu ahaa ayuu waydiiyey saaxibkii, dee niyaw waxaan ku qiyaasay in uu yahay 20 qol, allah oo ma dabaqbaa ileen waa dabaq gurigu, waar dabaq maaha ee waa guri balaadhan.

Bal fiiri ninkani halka uu guriga ka dhisay, waa badhtamaha dooxa Hargeysa, waan qoslay oo ileen mirqaanku ma sidanbaa, ayaan isweydiiyey, Qofkii nooli wax walba wuu arkayaa, waxaan sawirtay oo hortayda yimi gurigii 20ka qol ahaa ee uu ninkan Jaamac ka dhisay dooxa hargaysa, oo imisa maalmood buu ku dhisay waa wax kayar 12 saacadood, anigoo ninkaas la yaaban oo is leh walee gurigaasi malaha waxaa dhisaayey shaqaalihii dhismaha oo dhan, ayuu kii kale waydiiyey, oo saaka ma gurigii baad kasoo toosatay, Iska ba’a maxaan kasoo toosa waxan aan ka hadlayaa waa mirqaan, mirqaanku ma sidanbaa, mirqaanow ba’a, waxaa ka horyimi nimakii nin kale oo sadexaad oo dhalinyaro ah oo waydiiyey waar maxaad Jaamac telefoonka iiga qaban-weyday xalay, waan kuu cadhaysnahay, waar imaad soo wicin ee maxaad araktay, dee saw lambarkan maad bedshay saw kan maaha lambarkaagii, wuu tusay oo labadii kale ayaa qosol u dhacay, yaabay oo idhi maxay arkeen, ogow oo ninkan dhalinyarta ahi hada ayuu kasoo kacay qaad, oo afkiisa waxaa kasii muuqda qoyaanka, oo wuxuu isku lisayaa ilka misana kolba waxa uu tufayaa candhuuf, oo wax uu sitaa qori qaad ah oo aad loo dhuubay oo ilka uu ku qodayo, marna waxa uu eegayaa lambarka, marna waxa uu fiirinayaa dadka waddada marya oo waxaan is weydiiyey malaha, wiilkani wuxuu ka baqanayaa walidkii, ama dee qof uun in uu ku arko xaaladan mirqaanka ah, Madaxa waxaa kaga jira dhawr qori oo diiran, oo findhicil ahaan uu u adeegsado, Lakin aan kusoo noqod lambarka uu tusay asxaabtiisa waxaa ku qoran magac dumar ah, oo wax uu moodaayey saxiibki labarkiisa.

Mirqaanku ma sidanbaa, ma inaanad garan xaalada aad ku jirto miyaa, Jaamac baa soo jeediyey oo yidhi waar kani maaha kaygii bal aad u eeg, maad waalantahay magaca dumar baa ku qoran, mirqaanku ma sidan baa, ayaan is weydiiyey.

Haddaba akhristayaal Hadii mirqaanku uu yahay khiyaali iyo wax kale oo la is moodsiiyo, miyeyna ahayn in ayu la talino dhalinyarta asxaabta ah ee sida xad-dhaafka ah u baranaaya Qaadka iyo sigaarka, misana ka hadhay waxbarashadoodii iyo shaqooyinkoodii ee maanta kunool xaalado mugdi ah oo guryaha ay ku qayilaan iyaga oo garaabadii iyo haashkii sigaarku agyaalo seexda misana subixii ka kaca meel aad moodo xero gudaafadeed.

Waa qodob mihiim ah oo ay dayaceen cidii ku shaqada lahayd waayo hadii dhalinta laga xayir laahaa qaadka amaba laga dhigi lahaa Qiimo badan, waxaa ku adkaan lahaa iibsiga qaadkaas, fadlan waxaan kusoo gebgebaynayaa la tali asxaabta qaadka cunta oo ka jooji balwadahan ma dhalayska ah oo u sheeg in ay dantooda ka shaqeeyaan, oo ay gutaan wajibaadkii Rabi ku lahaa. Ilahayow Xaqa na waafaji Aamiin.

MAHADSANID

W/Q: Xamse Bashe Muhumed (Shaadhey)